4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Max'ud Sayid Aadan iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Degmada Garbahaarey


Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Maxamuud Sayid Aadn, kuwaasoo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Beydhabo ee gobolka Bay.

Wafdigan ayaa waxaa groonka diyaaradaha Garbahaarey kusoo dhaweeyay bulshada qaybaheeda kala duwan, siyaasiyiin, saraakiisha ciidanka Somalia ee gobolkaas ku sugan iyo kuwa AMISOM.

Maxamuud Sayid Aadan oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa sheegay in ujeedka uu Garbahaarey u yimid ay tahay ka qayb-galka shir degmadaas ka furmi doonna, waxana uu rajo  ka muujiyay inay kasoo baxaan qodobb la isku raacsan yahay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Garbahaarey maanta si weyn ay shacabku iigu soo dhaweeyaan, waxaan aniga iyo wafdigeygu u nimid halkan sidii aan uga qayb-geli lahayn shirka furmi doona. Waxaana shacabka ugu baaqayaa inay midnimada ka shaqeeyaan," ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Qaar ka mid ah dadweynihii soo dhaweeyay iyo maamulka gobolka Gedo oo dhankooda warbaahinta la hadlay ayaa ku ammaanay Maxamuud Sayid iyo wafdigiisa kasoo qayb-galka shirka watashiga ah ee furmi doono.

Degmada Garbahaarey ayaa waxaa beryahan ka socda abaabulka shir ay ka qaybgalayaan qaybaha bulshada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolkaas kasoo jeeda, kaasoo lagu sheegay inuu yahay shir looga tashanayo aayaha gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid ayaa wuxuu dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, isagoo ka qaybgalay shirkii maamulka lixda gobol lagu dhisay, kaasoo uu ka noqday mid ka mid ah labada madax-weyne ee uu maamulkaas leeyahay. Inkastoo maamulkan ay dowladda Somalia diidday jiritaankiisa.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya