4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Wafdigii Soomaalida uga qayb-galay shirkii shaqaalaha carabta oo soo noqday


Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Wafdigii Somalia uga qayb-galay shirkii shaqaalaha waddamada Carabta ee Qaahiro ka dhacay ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka warbixiyay waxyaabihii shirk kasoo baxay.

Shirkan oo ay ka qaybgleen 22 wasiir oo dalalka Carabta ka socday, ururro ganacsi, ururro shaqaale iyo ergooyin aad kala duwan ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa shaqada iyo shaqaalaha dalalka Carabta.

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay wasiirka shaqada, Inj. Luqmaan, agaasimaha rugta ganacsiga Somalia, Cabdi Abshir Dhoorre iyo xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha FESTU, Cumar Faaruuq Cusmaan.

Sidoo kale, wasiirka shaqada Soomaaliya oo khudbad ka jeediya shirka ayaa hadlay in shacabka Soomaaliyeed ay ka helin gargaarkii shaqo ay ka faliyeen dalalka Carabta ee dhaqaalaha leh, halka Somalidu ay shaqooyin iyo dayeel ka heleen dalalkii ay u qaxeen, arrinkaasna aysan u ahayn Carabta taariikh fiican. Wuxuuna ku taliyay in la saxo wixii laga qaban karo arrimahaas oo Soomaalida dalalka Carabta joogt loo tixgeliyo inay yihiin muwaainiin Carab ah.

Dhanka kale, wafdiga Somalia uga qaybgalay shirkaas ayaa waxay kulammo la yeesheen xubno ka socday dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta, Kuwait iyo qaar kale, iyagoo isla meel dhigay in wasaaradda shaqada Soomaaliya iyo ururrada la shaqeeya ay wada-shaqeyn dhow wada-yeeshaan, isla markaana waayo-aragnimada ay leeyihiin uga faa’iideeyaan Soomaaliya.

Wafdigu waxay kaloo la kulmeen ILO oo ay heshiis la saxiixdeen, waxayna sidoo kale IOM isku raaceen inay wada-shaqeeyaan, halka ALO ay iyadu ka ballanqaadday wafdiga inay hadda kaddib wada-shaqeyn buuxda yeelan doonaan, wasaaradda iyo ururrada la shaqeeya.

Ugu dambeyn, shirweynahan oo la filayay in lagu doorto hoggaan cusub iyo guddiyo howleed kala duwan ayaa dib loogu dhigay bisha Abriil ee sannadka soo socda ee 2015-ka.



Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya