4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Rag hubeysan oo xalay Guddoomiye deegaan ku dilay Magaalada Beledweyne

Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Labo ruux oo hubeysan ayaa xalay ku dilay xaafada howl-wadaag ee magaalada Beledweyne guddoomiyihii deegaannka Buq-goosaar 55 km, dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Max’ed Ibraahim Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegya in labo dhalinyarro ah oo bastoolado ku hubeysnaa toogasho ku dilleen Aadan Max’ed Aadan oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Buq-goosaar.

Rag dilka geystay ayaa markiiba goobta isaga baxsaday, waxaana halka ay toogashada ka dhacday gaaray ciidammo ka tirsan kuwa maamulka gobolka Hiirana oo bilaabay baaritaano la xiriira dilka inkastoo aysan jirin cid ay u qabteen dilka.

“Ciidammada waa ay ku raad joogaan rag dilka ka danbeeyay, marka gacannta lagu dhigana waxaa la horkeeni doonaa cadaallada ayuu yiri,’’ guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysay dilka marxuum-ka, siddoo kalana ma jirto cid loo aaneynayo in ay dilkaas ka danbeysay.

Magaalada Beledweyne ayaa bilihii ugu danbeeyay ammnigeeda waxaa uu ahaa mid soo wanaagsanaanayay siddii hore, gaar ahaan marka la eego dilal qorsheysan iyo qaraxyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya