4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
GAROOWE: Madaxweyne Gaas oo kulan deg-deg ah la leh Golihiisa Wasiirrada
Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, golihiisa wasiirada iyo saraakiisha ammaanka ayaa kulan deg deg ah kuleh madaxtooyada Garoowe.

Shirka waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo dhowr ah, waxaase ugu muhiimsan xaaladda cakiran ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo.

Waxaa sidoo kale arrimaha laga arrinsan doono kamid ah xaaladda degmada Dhahar oo xalay uu ka dhacay dagaal dhex maray dhinacyo kala taageersan maamullada Puntland iyo Somaliland.

Shaqada garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo ayaa gabaabsi ahayd labadii maalmood ee ugu dambeeyey, kaddib markii Galmudug ay ku hanjabtay inay garoonka weerari doonto.

Galmudug ayaa ka carootay xanibaad ay Puntland kusoo rogtey garoon macmil ah oo laga hirgeliyey koonfurta Gaalkacayo, garoonkaas oo Puntland ay diidey diyaaraduhu inay kasoo degaan.

Go'aankaas isaga ah waxay Puntland u sababaysay arrimo la xiriira dhanka nabadgelyada duulimaadyada, maadaama sida ay sheegtay aanay suurogal ahay inay hal magaalo ka shaqeeyaan labo garoon oo masaafo aad u yar isu jira.

Marka uu shirkaasi soo gaba gaboobo ayaa la filayaa in warbaahinta lasoo gaarsiiyo war-saxaafadeed lagu faah faahinayo shirka maanta, qodobada diiradda lagu saaray iyo weliba go'aanada kasoo baxay.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya