4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Dagaal Xalay Fiidkii ka dhacay Degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan
Jimco, September 26, 2014 (HOL) —Dagaal ayaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.

Dagaalka oo khasaare nafeed dhaliyey wuxuu dhex maray dhinacyo kala taabacsan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland. Hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu dhintay labo qof oo kalena way dhaawacmeen.

Iska hor imaadka ayaa sida ila wareedyo madax banaan oo Dhahar ku sugani ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen wuxuu bilowday kadib markii lagu murmay dhismaha golaha deegaanka Dhahar.

Dhanka kale waxaa maanta la doortay duqa degmada Dhahar iyo ku xigeenkiisa, maalin kadib markii la dhaariyey xubnaha golaha deegaanka cusub ee Dhahar.

Xaaladda Dhahar ayaa maanta degen, waxaase jira warar madax bannaan oo sheegaya in ciidamo dhanka Somaliland kasoo baxay ay degmadaas kusoo wajahan yihiin.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ayaa bilihii u dambeeyey wadey qorshe degmooyinka aan maamulka lahayn goleyaal deegaan loogu sameynayo, waxaana ilaa iyo hadda maamul loo sameeyey 9 degmo oo ku kala yaalla gobolada Bari, Mudug iyo Haylaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya