4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Maamulka Puntland oo shaaciyay inuu weli Shaqeynayo Garoonka Gaalkacyo

Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland, Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indha-guran) oo warbaahinta Muqdisho qaarkeed la hadlayay ayaa sheegay inuu furan yahay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo  cid xirtayna aysan jirin.

Indha-guran ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Gaalkacyo uu ka tirsan yahay maamulka Puntland, uuna u shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka oo dhan.

“Way jirtay in maamulka Galmudug ay ku dhawaqeen in garoonka Gaalkacyo ee Puntland uu xiran yahay, balse taas ma dhicin oo garoonka weli wuu shaqeynayaa, mana jirto cid xirir karta,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inuu xiran yahay garoonka dhanka Koonfureed ee Gaalkacyo ku yaalla, kaasoo ay maamusho Galmudug, kaddib markii ay sheegeen in garoonkaas laga soo dajiyo hub.

“Innagu diyaar ayaan u nahay inaan Galmudug kala hadalno ammaanka Gaalkacyo iyo wixii la xiriira, balse ma dhacayso marna inaan kala hadalno maamulka garoonka Gaalkacyo, waayo garoonkan wuxuu hoostagaa Puntland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Mar uu ka hadlay xiritaanka garoonka diyaaradaha ee Galmudug ay dhawana dhisatay ayaa sheegay inay isticmaali karaan garoonkooda oo ay u madax-bannaan yihiin, balse aysan ka ogolaan doonin inay kooda faraha ku soo geliyaan.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Galmudug uu dhankiisa sheegay shalay inuu xiran yahay garoonka Gaalkacyo ee ay maamusho Puntland illaa laga xallinayo khliaafka soo dhexgalay labada maamul.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya