4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2014
Madaxweynaha GAL-MUDUG iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Cadaado


Jimco, September 26, 2014 (HOL) — Madxweynaha Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, iyadoo ay la socdaan xubno maamulkiisa ka tirsan.

Booqashadan uu shay gellinkii dambe ku tagay Qaybdiid degmada Cadaado ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku tago magaaladaas, isagoo qayb ka ah wufuud ka socda gobollada dhexe oo dhawaanahan gaarayay halkaas, kuwaasoo u gogol-xaaraya sidii gobollada dhexe maamul mideysan loogu sameyn lahaa.

Xubno ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dadweyne fara badan ayaa kusoo dhaweeyay Qaybdiid iyo wadigiisa magaalada Cadaado, isagoo hadal uu jeediyay ku sheegay in imaanshiisa cadaado ay la xiriirto sidii uu ugala hadli lahaa maamulka Ximan iyo Xeeb shirka lagu sameynayo maamulka.

“Halkan (Cadaado) waxaan u imid arrimo la xiriira shirka maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta kala duwan ee Ximan iyo Xeeb kala hadli doonaa fududeynta shirka maamul u smeynta gobolllada dhexe,” ayuu yiri Qaybdiid oo warbaahinta hadal kooban siiyay.

Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb, C/llaahi Baarleex oo  isna la hadlya warbaahinta ayaa sheegay in ergada gobollada dhexe ay u fidiyeen casuumaad, ayna maalmaha soo socda ergooyin kale imaanayaan Cadaado, si looga wadahadlo maamul u sameynta gobollada dhexe.

Tegitaanka Qaybdiid uu tagay Cadaado ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli xiisad colaadeed ay u dhexeyso maamullada Galmudug iyo Puntland oo isku khilaafsan xirtaanka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa wuxuu sheegay inuu safar dhulka ah ku aadi doono magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, marka uu shirkan soo xirmo iyadoo la ogyahay in weli garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee Galmudug uu xiran yahay.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya