4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Jaamacadda Banaadir oo Xaflad soo dhaweyn ah u Sameysay Ardayda Cusub


Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Xarunta Dr. Shahiid ee Jaamacadda Banaadir oo ku taalla duleedka Muqdisho ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay boqollaal arday cusub ah oo ka mid noqotay ardayda wax-ka-barata jaamacaddaas, kaddib markii ay kusoo baxeen imtixaankii ogolaanshaha jaamacadda ee dhawaan la qaaday.

Jaaamacada Banaadir ayaa waxaa imtixaankii qubuulka ee sannadkan isku diiwaan geliyey 2,500 oo arday, waxaana ku guuleystay 1,500 arday oo wixii hadda ka dambeeya si toos ah uga mid noqonaya ardayda wax ka barata 10-ka kuliyadood ee jaamacadda, sida uu sheegay Ismaaciil C/raxmaan oo ah diiwaan-hayaha Jaamacada Banaadir.

Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ku jiray hormuudka kuliyadda caafimaadka ee jaamacada banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday ayaa xalfadda hadallo ka jeediyay, kuwaasoo inta badan ardayda cusub ku guubaabinayay inay ka soo dhalaalaan doorkooda waxbarasho.

“Waxaa farxad inoo ah inaan maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameyno boqolaal arday oo ka mid noqonaya ardayda cusub ee Jaamacada sanad dugsiyeedka 2014-2015,” ayuu yiri Dr. Biday oo ku daray in jaamacadda lagu bilaabay hal kulliyad sanadkii 2002-dii, taasoo ardaydii ugu horreysay ee loo qaatay ay ahaayeen 26-arday, balse dadaal dheer kaddib ay haatan jaamacaddu gaartay heer wanaagsan oo xitaa aqoonyahannadii aasaasay aysan maleysanayn. 

Wuxuuna intaas ku daray. “Maanta waxaa inoo suuragalay Alle mahadii isku-tashigii aasaayaasha iyo macallimiinta, waalidiinta iyo ardayda jaamacadda kaddib in kulliyadaha jaamacadda ay gaaraan 10 oo ay ka wax ka bartaan in badan 3,000 kun oo arday.”

Sidoo kale, guddoomiye ku-xigeenka jaamacadda Banaadir, C/raxmaan oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa u ballan-qaaday in ardayda cusub ee ku soo biirtay jaamacadda ay heli doonaan tacliin tayo leh iyo soo dhaweyn wanaagsan; isagoo dhinaca kale kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan nidaamka iyo shuruudaha loogu talo-galay in lagu maamulo ardayda jaamacadda.

“Jaamacadda waxay degen tahay kambaskan weyn oo inta laga dhisay ay gaarayso 10% marka loo fiiriyo dhulka uu ku fadhiyo oo ah 1-km oo isku wareeg ah, mana jirto cid ka taageertay oo aan Alle ahayn marka laga reebo dakhliga yar ee kasoo xerooda ardayda, waxaana hadda socda dhismaha isbitaalkii ardayda wax lagu bari lahaa iyo xarumo kale,” ayuu intaa ku daray guddoomiye ku-xigeenka.

Guddoomiyaha Mu’sasada jaamacadda Banaadir, Cabdullaahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti) ayaa isna ardayda cusub ku bogaadiyay hamiga ay u qabaan waxbarashada; isagoo iyaga iyo waalidkood uga mahad-celiyey doorashada ay doorteen inay wax ka dhigtaan Jaamacada Banaadir.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda hadalo soo dhaweyn iyo guubaabo isugu jirtay kasoo jeediyay hormuudka ardayda jaamacadda Banaadir Inj. Raage, guddoomiye ku-xigeenka midowga ardayda Jaamacadda, Maxamed Yuusuf, Inj. Jimcaale oo mar soo noqday hormuudka kulliyadda Ingineeriya ee jaamacaddii ummadda, haatanna ka mid ah barayaasha kulliyadaas ee jaamacada Banaadir, Xaaji Axmed Barrow oo ku hadlayay magaca waalidiinta ardayda cusub ee jaamacadda Banaadir iyo xubno kale.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya