4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Ururka Booliiska Soomaaliyeed ee Mareykanka oo kulan Wacyi-gelin ah ku qabtay Minnesota (SAWIRRO)


Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Xarunta kulamada Minnesota ee Safari ayaa lagu qabtay kulan uu soo qaban-qaaabiyay ururka ay ku midoobeen booliiska Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka oo xaruntiisu tahay Minneota, ayna xubno ka yihiin booliis Soomaali ah oo ku nool dalka Mareykanka.

Jawiga goobta kulanka lagu qabanayay ayaa qofkii aan la socon in halkaas uu ka dhacayo kulan uu u qaadanayo inay tahay goobta fal-danbiyeed uu ka dhacay. Markaad dusha ka aragto illaa dhowr iyo toban booliis ah oo labisan ayaa ku sugnaa xarunta Safari.

Kulankaan ayaa taariikhi ahaa marka loo eego dhacdooyinka ay inta badan warbaahinta ka howlgasha Mareykanka oo dadka Soomaaliyeed ka bixiya sawirro xun-xun. Madaxa SAPA, C/wahaab Cali  ayaa ujeeddada kulanka ku qeexay inuu yahay mid ay isku bartaanayaan kuna sharaxayaan in sababta loo aasaasay ururka SAPA ay tahay inuu u adeegno dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka ku nool, kalana shaqeeyo nabadgalyadooda, badbaadinta carruurta iyo xoojinta xiriirka hay’adaha nabadgalyada bulshada.

Sidoo kale, C/wahaab ayaa HOL u sheegay in ujeeddooyinka loo aasaasay SAPA  ay ka mid tahay inay taageero u fidiso dhallinyarada dananaysa inay ka mid noqdaan ciidamada booliiska Mareykanka. Iyadoo gabadha kaliya ee ka tirsan booliiska magaalada St Paul ay goobta ka caddeysay inay caawin ka hesho SAPA, ayna weli ku jirto tababarkii ku hagi lahaa inay si buuxda uga mid noqoto booliiska Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska ee dhinaca gaadiidka, C/waaxid Siraaji oo khudbad dheer jeediyay kulanka ayaa ka codsaday Soomaalida inay kala shaqeeyaan nabadgalyada, ayna la socod-siiyaan falal dambiyeedka ay la klumaan; sida dhaca,dilalka, kufsiga iyo dadka doonaya inay carruurteenna maskaxda ka xadaan. Waayo waa waajib kulligeen nawada saaran.

Dadkii kulanka joogay ayaa qaarkood dareenkooda uga warramay HOL, waxaana ka mid ahaa dadkaas Sadik Warfa oo gudoomiye ku xigeenka ka ah ururka Global Somali Diaspora wuxuuna yiri. “Waxaan dareemayaa farxad aan la koobi Karin.. waxaa ii baxay in Somalidu ay horumar weyn ku tallaabsatay mar haddii intaan oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ciidan ah aan kawada helayno barnaamijyo ku saabsan badbaadinta jiilka dambe ee soo koraya. Waxaa kaloo farxad ii ah ka hadlidda nabadgalyada guud oo ah mas’uuliyad dhammanteen na saaran.”

SAPA waa ururkii labaad oo magacan leh oo ka jira Minnesota iyadoo horay uu u jiray mid kale oo Ingiriis ahaan u qormaya American Parent Association (SAPA) oo macnaheedu yahay ururka waaliddiinta kana shaqeeya arrimaha isku-xirka waalidiinta Soomaaliyeed iyo iskuullada dadwaynaha. Ururkanna wuxuu noqonayaa Somali-American Police Association (SAPA) oo ah urur ay ku mideysan yihiin booliiska Soomaaliyeed, labada ururna waa kuwo kawada shaqeynaya danta ummadeenna.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA