4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Tijaabada Diiwaan-gelinta Madaniga oo Hargeysa Laga Billaabay (SAWIRRO)


Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Diiwaan-galinta Madaniga ah ayaa si Tijaabo ah maanta uga bilaabantay Magaalada Hargeysa, waxaana ugu horeyn booqday isla markaana qaatay kaadhka muwaadinimo ee Somaliland madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Sidoo kale, waxa iyaguna kaadhka aqoonsiga qaatay xubno ka mid ah golaha Wasiiradda iyo iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland.

Wasiirka Arimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay inay si Tijaabo ah u bilaamatay Diwaangalinta Muwaadiniinta islamarkaana loo baahan yahay in Bulshadu si mugleh uga qayb qaadato.

Munaasibada Lagu shaaciyay bilawga Diwaangalinta oo lagu qabtay Guriga Shaqaalaha ee Hargeysa, waxa madaxdii qaatay ka mid ahaa wasiirka Arrimaha gudaha, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco,, wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shiire, wasiirka Warfaafiinta Cabdillaahi Cukuse, Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Salaadiin.

“Waxaa Ilaahay Mahadii ah, wakhti dheer iyo talooyin badan ka bacdi inaynu maanta bilawno Kaadhka Jinsiyadda dhalashada Somaliland oo ah Arin 23-kii sanadood ee u dambeeyay qorshaheedu socday balse maanta inoo bilaamatay.hadda tijaabo ayaanu ku bilawnay laakiin si rasmi ahna way u bilaamaysaa” ayuu yidhi  Cali Waran Cadde.

Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Soltelko oo isna soo kormeeray goobo ka mid ah goobaha lagu tijaabinayo diiwaangelinta Madaniga ah ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maanta Farxad weyn bay u tahay Shacabka Somaliland iyo Madaxdiisaba inaynu bilaabano diwaangalinta madaniga ah.waxaan leeyahay Shacabka Caasimada oo loogu horaysiiyey,mudnaanta waxaad ku hesheen Caasimada oo aad degan tihiin.waxaan leeyahay fursadaas aynu helay ee dadkii Gobolada aynu kaga horayno ha laga faa’iidaysto, dhakhso ha loo qaato kaadhka Aqoonsiga”.

Waxaanu intaas ku daray “Hargeysa 60 Goobood ayaa lagu bilaabay, dhinac walbana waa looga saarayaa, waxaan leeyahay dadweynaha Caasimada aad ha looga faa’iidaysto”

Sidoo kale, madaxweynah Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa markii uu kaadhka aqoonsiga qaatay  bulsho weynta Somaliland ku dhiirigaliyey inay qaataan.

Madaxweynaha oo iska diiwaangeliyey Xarunta hay’ada shaqaalaha waxa sidoo kale madaxweynaha wehelinaayey wasiiro ka mida xukuumada Somaliland oo iyaguna qaatay kaadhka Muwaadinka.

Waxa iyaguna isla goobta ka qaatay shacbi weynaha Reer Somaliland qaybo ka mida, kuwaas oo soo dhoweeyey qaadashadda kaadhka aqoonsiga Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland