4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Kooxo burcadbadeed ah oo ku diriray degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha burcadbadeedda ah ee Somalia ayaa ku geeriyooday, 11-kalena way ku dhaawacmay dagaalka maanta ku dhexmaray kooxahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Hoggaamiye ka tirsan burcadadeedda Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaalkii maanta oo lagu magacaabi jiray, Cali Duulaa ayaa ku dhintay dagaalka oo k dhacay Konfurta Gaalkacyo, inkastoo dagaalku uu si iskiis ah u hakaday maanta barqonimadii.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay in dhinacyada dagaalamay ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo kuwa culus oo ay ku jiraan madaafiicda waaweyn.

Burcadbadeedda ayaa la sheegay inay ku dagaalameen lacag madaxfurasho oo ay ka qaateen wariyihii u dhashay Jarmalka ee haystay dhalashada dalka Mareykanka oo Talaadadii ay kooxaha burcadbadeedda ah sii daayeen, kaddib markii laba sano iyo bar ay afaduub ahaan u haysteen.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in hoggaamiyahan lagu xusuusto inuu ka mid ahaa raggii afduubay markabkii laga lahaa dalka Ukraine e hubka siday, iyadoo la sheegay inuu sidoo kale ahaa ruuxii hoggaaminayay burcaddii ku hayay gacanta wariye, Michael Scot Moore.

Maamulka Galmudug oo gacanta ku haya deegaannada uu dagaalku maanta ka dhacay ee Koonfurta Gaalkacyo ayaan weli ka haldin dagaalka kooxahan burcadbadeedda ah dhexmaray.

Dagaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xiisad u dhexeysa labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ay ka taagan tahay magaaladaas oo ay labadeeda dhinac ka kala taliyaan.

Wariye Michael Scot Moore ayaa la sheegay in laga dhiibay lacag dhan 1.6-milyan oo doollarka Mareykanka, taasoo ahayd madaxfurasho, iyadoo ay bixisay dowladda Jarmalka, halka Mareykanku uu diiday inuu lacag madax-furasho ah ka dhiibo wariyaha.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya