4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Heshiiska Ilaalinta ee Xuquuqda Carruurta


Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo kulan aan caadi ahayn maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay ansixiyeen heshiiska Qaramada Midoobay ee ilaalinta xuquuqda carruurta.

Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay ra’iisul waasaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed; waxaana heshiisnkan golaha horkeenay wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka, Faarax Sh. C/qaadir, isagoo sheegay inuu wax badan ka tarayo ilaalinta Xuquuqda carruurta Soomalaiyeed.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ah heshiiskan u meel-mariyey 20-kii November sannadkii1989-kii, laakiin si uu dhaqan-gal u noqdo waxaa loo baahnaa inay saxiixaan 20 dal. 07-dii bishii September ayaa dalkii 20-aad saxiixay; taasoo ka dhigtay heshiiskan mid dhaqan-gal ah.

Soomaaliya ayaa heshiiskan saxiixday 09-kii bishii May ee sannadkii 2002-dii iyadoo maantana ay si dhameystiran u meel-mariyeen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

“Ansixinta heshiiskan waxay sare u sii qaaadaysaa dawladnimada Somalia iyo ilaalinta xuquuqda carruurteenna. Hayaanka loogu jiro Soomaaliya oo nabad ah, horumar samayneysa oo xuquuqda dadkeedu yahay mid la dhawro waa mid socda oo maalin kasta wax lagu siyaadinayo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saxiixa kaddib hadlay.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Heshiiskan wuxuu dalkeenna u fursad u siinayaa ka qaybgalka fagaarayaasha caalamiga ah ee arrimahan looga hadlayo. Waxaynu nahay Qaran ka mid ah beesha caalamka waxaana waajib inaga saaran yahay heshiisyada iyo qawaaniinta caalamiga ah.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare C/weli ayaa yiri. “Waxaan leennahay dastuur dhawraya xuquuqda muwaadinka, waxaan leenahay shuruuc sugeysa xuquuqda dadkeenna oo carruurtu ay ku jirto, haddana heshiiskaan waa mid caalami ah oo faa’iido u leh dalkeenna iyo adduunka oo dhan.”

Saxiixa heshiiskan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo horay Soomaaliya dhowr jeer loogu eedeeyay in carruurta ka yar da’da qaan-gaarka loo adeegsado dagaallada, inkastoo madaxda Soomaalidu ay dhowr jeer iska fogeeyeen in carruurta ay askar ahaan u qortaan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya