4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Xukuumadda oo ku dhawaaqay Wacyigelinta la-dagaalanka Musuqmaasuqa


Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Duxuloow ayaa maanta ku dhawaaqay barnaamijka wacyigelinta la-dagaalanka musuq-maasuqa Soomaaliya, isagoo xusay in barnaamijkan uu yahay mid lagula dagaalamayo dhammaan noocyada musuqmaasuqa.

“Musuqmaasuqa waa noocyo badan yahay; waxaana ka mid ah laaluushka, dhaqaalaha dalka oo la lunsado, shaqada oo la siiyo saaxiibada iyo qaraabo, sharciga oo la is hor-istaago iyo kuwa fara badan. Musuqmaasuqa waa waxa dalka dib u dhigaaya… waana inaan si deg-deg ah u joojinnaa… Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la dhameystiro sharciyada loo baahan yahay iyo inaan sameyno wax kasta oo looga hortagayo musuqmaasuqa, waxaana si dhab ah u joojin kara shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta ayaa ku dhawaaqay inuu isagu hoggaamin doono wacyi-gelinta la-dagaalanka musuqmaasuqa, isagoo xusay in wacyi-gelinta ay ka mid noqon doonaan barnaamijyo taxane ah oo laga sii deyn doono telefishinada, raadiyaha, Internetka, boggaga war-gudbinta (Social Media) iyo wargeysyada, waxaana barnaamijyadaas ka mid noqon doona macluumaad la siinayo dadka oo ku aaddan waxay sameynayaan marka ay la kulmaan falal musuqmaasuq ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay jiri doonaan barnaamijyo waxbarasho oo dadka iyo ardeyda lagu barayo khatarta musuqmaasuqa iyo sida uu uga soo horjeedo maamul wanaaga iyo horumarka dalka.

“Waa inaan hubinnaa in carruurteenna oo ah mustaqbalka berri iyo shacabka ay si fiican u ogyihiin wuxuu yahay musuqmaasuqa iyo dhibaatooyinka uu bulshada u horseedo, si ay noogu sahlanaato inaan u cirib-tirno oo shacabka ay si fiican u ogaadaan wuxuu sharciga ka qabo, sida loosoo sheego falalka musuqmaasuqa ah iyo dambiyada ay muteysan karaan dadka ku kaca falal musuqmaasuq ah,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Dhuxuloow ayaa sheegay in dowladdu ay sameysay horumar ballaaran oo horumarisay maamul-wanaagga iyo isla xisaabtanka dowladda dhexdeeda, kuwsoo ay ka mid yihiin maamulka iyo maareynta maaliyadda oo ay jiraan xisaabiye guud iyo hanti dhowr guud oo ay weliba u sii dheer tahay guddiga maamul wanaaga maaliyadda oo dhamaantood hubiya in daqilga dowladda ay u baxaan sidii loo qorsheeyay. Waxaa kaloo jira xeer illaaliyaha guud ee dalka oo isna il gaar ah ku eegaya falalka musuqmaasuqa ee dhammaan gobollada dalka oo dhan si sharciga loola tiigsado cid walba oo lagu helo falalka musuqmaasuqa.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an la-dagaalanka musuqmaasuqa, wixii maanta ka dambeeya waxaan kordhinaynaa inaan sida ugu adag ula dagaalanno. Soomaalida waxaa lagu yaqaanaa inay yihiin dad ganacsiga ku sarreeya oo ay ka ammaanan yihiin adduunka oo dhan. Balse dalka wuxuu adduunku ku qiimeeyaa inaan nahay dalka ugu musuqmaasuq badan oo aan Afghansitan, North Korea iyo Iraq aan liiska dhanka hoose uga jirno,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu hadalkiisa kusoo xiray sumcada, karaamada iyo sharafta Soomaaliya meel weyn ayaa looga dhacay oo arriman ay sabab u yihiin. Adduunka maanta u horumaray iyo meesha aan joogno iyo mararka qaar oo arrimahan ay yihiin kuwo muddo soo jirey oo lala qabsaday.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya