4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Ban Ki-Moon oo Sheegay in la sii Wadayo Taageerada la siiyo Soomaaliya

Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Somaliya ay ku socoto wadiddi saxda ahayd ee lagu gaari lahaa dowladnimo dhamaystiran ,iyadoo ay jiraan howlo badan oo horyaalla xukuumadda hadda jirta iyo waliba beesha caalamka.

Banki-Moon ayaa ididiilllo ka muujiyay xaaladda Somaliya ,isaga oo tilmaamay in daganaansho siyaasadeed laga dareemayo gobolka ,waxaana u sheegay in muhiimadda ay saarayaan sidii dalka ay ugu dhici lahayd doorasho xor ah sanadka 2016-ka.

"Ma jiro waqti aan lumin karno hadii ay dhacayso doorashadaas ,waxaan ugu baaqayaa maamulada Somaliya in ay howshan ka qayb-qaataan" ayuu yiri Moon oo ka hadlayay dood golaha ammaanku uu ka yeeshay arimaha Somaliya.

"Waxaan soo dhaweynayaa dadaallada dowladda Federaalka ah ay ku dhisayso maamulada KMG-ah iyo qabashada shirarka dib u heshiisiinta ah"ayuu hadalkiisa ku daray Bankimoon ,isaga oo ku baaqay in dumarka laga qayb-galiyo howlaha socda.

Ban Ki-Moon ayaa taageero u muujiyay howl-galada ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Somaliya iyo AMISOM ee Al-shabaab looga xoraynayo goobaha ay gacanta ku hayaan ,isaga oo ku sheegay mid lagu soo celin karo kala-danbayntii dalka ka jirtay.

Ugu danbayntii xog-hayaha ayaa mar kale sheegay in uu ka-wal-walsan-yahay xaaladaha bini'aadannimo ee ka jira qaybo kamid ah dalka ,waxaana uu dalbaday in la kordhiyo taageerada la siinayo shacabka Somaliyeed si looga gudbo abaaraha hadda jira.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]