4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Shir gaar ah oo looga hadlay Arrimaha Somalia oo Xalay ka dhacay New York

Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Magaalada New York ee xarunta QM ayaa waxaa ka dhacay xalay shir gaar ah oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana si wadajir ah u gudoominaayay madaweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha Midowga Afrika iyo xubno ka kala socday Bankiga Adduunka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkan looga hadlay xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay wax-qabadka dowladdiisa iyo qorshaha higsiga cusub,  isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii horumarka.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa tilmaamay in ciidanka Somalia iyo kuwa AMISOM ay ku guuleeysteen in Al-shabaab ay 75% ka saaraan meelo ay kaga sugnaayeen gobolllada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ay ka socdaaan shirir dib u heshiisiin ah, isagoo hoosta ka xariiqay in sare loo qaaday hannaanka Maaliyadda dalka.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Beyle oo faahfaahin ka bixinayay shirka ayaa sheegay in shirkan looga hadlayay xaaladda Soomaaliya iyo wax qabadka dowladda ee sannadihii tagay.

”Waxaa la isku raacay in tallaabooyin badan la qaaday, waxaa kaloo la isku raacay in shaqo badani harsan tahay inkastoo kuwo badan laga soo gudbay. Waxaa kaloo la isla gartay in beesha caalamku ay gacansiiso Soomaaliya si loo gaaro doorashooyin xalaal ah oo dhaca sannadkan 2016-ka,” ayuu yiri Bayle.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya xusay in Ban Ki-Moon iyo guddoomiyaha Midowga Afrika ay si dhab ah uga shaqeeynayaan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya iyo sidii dowladda taageero loogu heli lahaa.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya