4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Dab ka kacay Garaash ku yaalla Deegaanka Korontada ee Degmada Wadajir

Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Garaash lagu iibiyo gaadiidka laguna farsameeyo oo ku yaalla deegaanka Korontada ee degmada Wadajir ayuu ka kacay dab weyn, iyadoo daminta dabkaas ay ku howlan yihiin gaadiidka dab-damiska ah oo ay leeyihiin shirkado saldhiggoodu yahay Muqdisho, maamulka gobolka Banaadir.

Inkastoo aan la ogeyn waxa sababay dhabkan ayaa haddana wararka waxay sheegayaan inuu khasaare maaliyadeed oo aad u xooggan uu geystay, ayna weli socoto la tacaalidda sidii dabkaas lagu bakhtiin lahaa.

“Dab weyn ayaa ka kacay garaashka, lama oga sababta dhalisay, balse waa dab baaxad weyn, waxaana la dagaalamaya gaadiidka dabka damiya,” ayuu yiri wiil ka mid ah dadka deegaanka oo HOL la hadlay.

Garaashkan ayaa la sheegay inay ku jireen gaadiid fara badan oo qaarkood u yaallay halkaas u yaallay iib, halka kuwo kalena ay ahaayeen kuwo ay ku socotay farsamo, kaddib markii ay cillado lasoo darseen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wadajir iyo kuwa gobolka Banaadir ayaa ku sugan goobta, iyadoo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo gacan ka geysanaya sidii dabka lagu damin lahaa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab noocan oo kale ah uu ka kaco goobo lagu iibiyo gaadiidka laguna farsamaayo, iyadoo bishii lasoo dhaafay uu sidan oo kale u gubtay garaash ku yaalla isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Wixii kasoo kordha dabkan waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socoda haddii Alle ogolaado.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya