4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Maxkamad ku taalla Uganda oo lasoo tagay eedeysanayaal ay Somali ku jirto

Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Maxkamad ku taala dalka Uganda ayaa lasoo taagay dad loo haysto inay qorsheynayeen inay weerarro argagaxiso ka geysteen dalka Uganda xiriirana la leh Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, waxaana ku jira 10 ruux oo Soomaali ah.

Dadkan la tuhunsan yahay waxaa ku jirta haweeneey Sooomaaliyeed oo la aaminsan yahay inay maleegeen weerarkii argagixiso oo sannadkii 2010-kii ka dhacay Kampala, kuwaasoo sagaal rag iyo haweeneyda ay yihiin Somali, halka ruux kale oo Kenyan ahna uu ku jiro.

Weerarkii Kampala ka dhacay sannadkii 2010-kii ayaa waxaa ku dhintay 76-qof oo daawanayay ciyaaro, kuwaasoo lagu weeraray baarar ay ku joogeen, iiyadoo eedeysanaayashan loo haysto inay iyagu ku xireen baararkaas wixii qaraxa sameeyay oo bambooyin ahaa.

Maxkamadeynta eedeysnayaashan ayaa imaanaysa iyadoo toddobaadkii la soo dhaafay ay ciidamada amniga Uganda howlgallo ka wadeen qaybo ka mid ah magaalada Kampala ee xarunta ah, kuwaasoo ay sheegeen inay uga hortagayeen weerarro argagaxiso oo laga digay.

Dalka Uganda ayaa ah dalka ay ciidamada ugu badan ee AMISOM ka tirsan Somalia ka joogaan, kuwaasoo haatan dagaallo kula jira xoogagga Al-shabaab, iyadoo koxduna ay sheegtay inay beegsanayso dalalka ay ciidanku kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya