4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Wariyihii afduubka loogu haystay Soomaaliya oo laga bixiyay Madaxfurasho

Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Wariyihii Jarmalka ahaa ee haystay dhalasha dalka Mareykanka, Michael Scott Moore oo dhawaan ay sii daayeen kooxo burcadbaeedda ah oo muddo ka badan laba sano ay afduubka u haysteen ayaa markii ugu horreysay la shaaciyay in laga bixiyay lacag madax-furasho ah oo gaaraysa 1.6 Milyan oo doollarka Marekanka ah.

Dhexdhexaadiyeyaasha ku howlanaa sii daynta wariyahan ayaa sheegay in kooxaha burcadda ah ee haystay ay dhowr jeer isku dhaceen, balse markii ugu dambeysay ay isla garteen in ay siiyaan madaxfurasho lacageed si ay u sii daayaan wariyaha.

Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka ayaa xaqiijiyay in dowladda Jarmalka ay bixisay lacagtan si loo daayo wariye halka Mareykanka uu diiday inuu ka bixiyo lacag madax-furasho ah, maadaama aysan siyaasaddiisu ku jirin inay bixiyaan lacago madaxfurasho ah.

“Hadda xaaladda Moore way wanaagsan tahay, wuxuu qaadanayaa daryeel cafimaad,“ ayaa lagu yiri war laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamralka, iyadoo la sheegay in wariyaha uu ku sugan yahay Kenya.

Sawsan Chebli oo ah afhayeenad u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalaka ayaa sheegtay in Michael Scott oo 45 jir ah ay sii dayntiisa gacan ka geysteen saraakiil Mareykan iyo Jarmal ah oo ku sugan Bariga Afrika, aadna loogu daalay wadahadallada lagu sii daynayay.

Wariyaha ayaan weli ka haldin afduubkiisa iyo lacagta madaxfurashada ah ee laga dhiibay, iyadoo wariyahan laga afduubay magaalada Gaalkacyo bishii Jannaayo sannadkii 2012, tan iyo markaasna uu ku jiray gacanta kooxihii ka afduubay Gaalkacyo.

Dhanka kale, kooxaha afduubka ku haystay wariyaha ayaa sheegay inay ka qaateen madaxfurasho lacageed, balse ma aysan sheegin tiradeeda, iyadoo wariyaha la afduubay xilli uu ku howlanaa inuu filimaan ka sameeyay burcad-badeedda Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya