4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2014
Sarkaal ka tirsanaa Hay'adda Waddooyinka Puntland oo Garoowe lagu diley

Khamiis, September 25, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe waxaa xalay saqdii dhexe lagu diley sarkaal ka tirsanaa Hay'adda Wadooyinka Puntland oo lagu magacaabi jirey Cabdirashiid Bulxan Boqor.

Sarkaalka waxaa la toogtey abbaare 12:30 habeenimo xilli uu ku sugnaa meel u dhow Hotel Towfiiq oo ku yaalla bartanka magaalada Garoowe.

Lama oga sababta loo diley sarkaalkaas iyo weliba cidda dilkiisa ka dambeysey, waxaase socda baaritaan xooggan oo ay wadaan ciidamada booliska iyo hay'adaha sirdoonku.

Cabdirashiid Bulxan Boqor oo in muddo ah ku noolaa dalka Ingiriiska, wuxuu ahaa injineer mudooyinkii u dambeeyey la shaqeynayey Hay'adda Wadooyinka Punltand ee magaceeda loosoo gaabiyo PHA.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad u wanaagsan, wuxuuna dilkani kusoo aadayaa maalin kadib markii uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas soo saaray digreeto uu ku mamnuucay hubka ay dadku sida sharci darrada ah u haystaan.

Wixii kasoo kordha baaritaanka la xiriira dilka xalay Garoowe ka dhacay ee ay boolisku wadaan, wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya