4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Xulka Kubadda Koleyga Somalia oo markii Sadexaad looga badiyay Cayaaraha Zone-5

Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Kooxda kubadda koleyga Soomaaliya oo ka mid ah kooxaha ka qaybgalaya sannadkan ciyaaraha kubadda koleyga ee Zone-5 oo ka socda magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa maanta markii saddexaad.

Xulka Soomaaliya ayaa waxay iska horyimaadeen xulka Rwanda oo ka mid ah kuwa ugu adag kooxaha ka qaybgalaya ciyaarahan, iyadoo Soomaaliya looga adkaaday 85-dhibcood iyo 71-dhibcood oo Soomaaliya la timid.

Maalinta Sabtida ah ee soo socota ayaa lagu wadaa inay xulka Somalia mar afaraad ciyaar la yeeshaan xulka dalka Masar oo ah kan ugu adag kooxaha ka qaybgalaya ciyaarta, iyadoo xulka Soomaaliya uu ka haray ciyaarahan, ayaanay haddana muuqan rajo ah inay ka guuleysan karaan kooxda kubadda Kolayga ee dalka Masar.

Tababaraha kooxda kubadda koleyga Somalia, Baarajab iyo guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadd koleyga oo la hadlay HOL ciyaartu markii ay soo dhamaatay ayaa sheegay inay  diyaarow xooggan u geli doonaan sidii ay guulo uga soo hoyn lahaayeen ciyaartan tan xiga oo dhacaya 2017-ka.

“Runtii waxaan qorsheynaynaa inaan isku diyaarinno ciyaarta soo socota oo dhacaysa laba sano kaddib. Haddii aan si fiican u tabaabusheysanana inaan guul ka gaari doonno ayaan rajeynaynaa,” ayuu yiri tababare Baarajab.

Sidoo kale, tababare Baarajab ayaa uga warramay HOL taariikhda kooxda kubadda koleyga Soomaaliya, isagoo xusay in sanadkii 1987-dii ay xulka Masar kaga adkaadeen is-reeb-reeb loogu soo baxay ciyaaro kubadda koleyga ah.

Xulka  qaranka ee kubadda kolayga ayaa ku guuleystay kaalinta 1aad ee koobkii Jaamacadda Carabta ee sannadkii 1979 ayaga oo ka guuleystay kooxda kubadda kuleyga ee dalka Ciraaq. Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa taariikh wanaagsan ku lahaa ciyaarta kubadda kuleyga dagaalkii sokeeye ka hor.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya