4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Odayaal-dhaqameedyo loo diiday in ay ka Dagaan Garoonka Dhuuso-Mareeb


Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Odayaal maanta ka duulay Muqdisho kuna socday gobolka Galguduud ayaa loo diiday inay ka dagaan garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb, iyadoo la sheegay in taasi ay sabab u noqotay in ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay la wareegaan guud ahaan maamulka garoonka diyaaradaha degmada Dhuuso-mareeb.

Guddoomiyaha gobolka Galguduud ee dowladda Soomaaliya, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo arrintan ay wax ka weydiisay VOA-da ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin inay jirto in odayaasha oo ka yimid Muqdisho dib looga celiyay maanta inay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb.

“Way jirtaa in odayaal ka yimid Muqdisho oo doonayay inay garoonka kasoo dagaan loo diiday, arrintaana waxaa ka dambeeyay shaqiyaad ku sugan degmada oo aan garanayno, kuwaasoo diyaaradda oo hawada kusoo jirta la hadlay una sheegay inaysan soo degi karin oo ay garoonka iyagu ku hayaan gacanta, haddii ay soo dagtana ay dhibaateynayaa, duuliyihiinna wuu u dhego-fududaaday hanjabaaddaas wuuna ka laabtay garoonka, halka ay ku dambeyso arrintanna waan ogaan doonnaa,” ayuu yiri Xuseen Cirfo.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in garoonka degmada iyo kuwa kale ee gobolkaba ay yihiin kuwo ammaan ah oo aysan wax dhibaato ah ka jirin, wuxuuna wixii maanta dhacay ku tilmaamay arrin fool xun oo ay shaqsiyaadkan u adeegsadeen taleefoonno, waana arrin buu yiri dadka ku nool gobolka lagu dhibaateynayo, innagu ma ahayn mid aan raalli ka ahayn, waana kula saaxtami doonnaa arrintaas shaqsiyaadkii sameeyay.

“Runtii arrintii maanta dhacday maamulka iyo dadka gobolkuba aad ayay uga xumaadeen, wayna ka qiiroodeen, su’aalo badan ayaana laga weydiin doonnaa kooxihii ka dambeeyay oo shacabku ay u arkeen kuwo dhibaato ku ah iyaga,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Xuseen Cirfo oo la weydiiyay in wararka qaarkood ay sheegeen in arrintii maanta dhacday ay ku timid kaddib markii ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya ay la wareegeen garoonka, ayuu kaga jawaabay.

“Ciidamada Itoobiya garoonka way joogaan, balse ma jirto garoon gobolka ku yaalla oo ay si gaar ah u maamulaan, garoonka diyaaradaha shacabka iyo ciidamaduba si siman ayay u adeegsadaan, wararkaasuna waa kuwo been ah oo aan jirin.”

Odayaasha loo diiday inay maanta ka dagaan garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareen ayaa la sheegay inay ka mid yihiin odayaasha wax kawada qorshayaasha maamulka loogu dhisayo gobollada Galguduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kaasoo ay hoggaanka u hayso dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka gobolku ay raalli ka yihiin qorshaha lagu maamulka midka ah loogu dhisayo Galguduud iyo Mudug, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan cid walba oo arrimahan ku lug leh.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya