4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Guddoomiyaha G. fulinta Ahlusunna oo raalli-gelin u diray Shirkadda Hormuud

Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha golaha fulinta ee ururka Ahlusunna Wal-jamaaca, Cabdi Cali Fiidow oo maaanta saxaafadda la hadlay ayaa ka raali-geliyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee Somalia, kaddib hadal uu dhawaan sheegay oo ahaa in la dhegeystay taleefoonkiisa gacant lagana xiray xilli uu ku gudo jiray howlo siyaasadeed.

Fiidow ayaa intaas ku daray in baaritaanno dheer lagu sameeyey jiritaanka arrintaas loona xaqiijiyay inaysan taasi dhici karin, kaddib markii uu kala tashaday arrintan khubaro ku takhasustay isgaarsiinta ayna u sheegeen in qalabka ay isticmaalaan shirkadaha isgaarsiinta Soomaalidu aan wax lagu dhegeysan karin.

Mas’uul ka tirsan shirkadda Hormuud oo guddoomiyaha kala qayb-galay shirkiisa jaraa’id ayaa ka raalli-geliyay cilladda farsamo ee ku dhacday lambarkiisa, taasoo aan ku dhicin si ku talo-gal ah.

Haddaba Daawo Shirka Jaraa’id oo Fiidiyow ah:

 

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya