4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
BRITAIN: Waa lagama maarmaan inay Somalia doorasho ka dhacdo 2016-ka


Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Afrika ee dalka Britain, James Duddridge oo bil ka hor xilkan loo magacaabay ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya ay doorasho dimuqraaddi ah ka dhacdo marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Mr. Duddridge oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in doorashadan ay u horseed u noqonayso in Soomaaliya ay ka baxdo dhibaatada, isagoo sidoo kale ka hadlay ammaanka iyo dagaallada ay kooxaha hubeysani dalal dhowr ah oo Qaaradda Afrika ku yaalla ka wadaan, sida Al-shabaab, Boko Haram iyo kuwo kale oo qaaradda ka jira.

Su’aal ahayd suuro-gal ma tahay in Soomaaliya ay doorasho ka qabsoonto marka la gaaro sannadka 2016-ka oo la weydiiyay wasiirka arrimaha Afrika ee dalka Britain; ayuu kaga jawaabay.

“Waa inay Soomaaliya doorasho qabtaa si ay horay ugu sii socoto. Waa dhab way adag tahay in la arko doorashooyin dalkaas ka dhaca, marka loo eego xaaladda hadda ka jirta, laakiin waxaanse ku rajo-weynnahay inaan qaadno taallabo kasta oo suuro-gelin karta inay qabsoomaan doorashooyin xor ah. Waana inaan dadaal adag sameynaa doorashooyin hufan, waayo macno ma sameynayso in la qabto doorashooyin aysan dadka oo dhan raalli ka ahayn.”

Mar kale oo la weydiiyay su’aal ahayd siduu u arko dhibaatooyinka ay kooxaha dagaallada ka wada dalalka Afrika qaarkood sida Al-shabaab ay amniga Qaaradda Afrika saameyn ugu yeesheen, ayuu kaga jawaabay.

"Afrika waxaa haysta dhibaato dhinaca argagaxisada ah, mana ahan kuwo Qaaradda Afrika ku kooban ee waa mid caalamka oo dhan ayay haysataa, waana inaan ka taxadarnaa inaan dhammaantood si isku mid ah u qeexo. Tusaale Britain waxay dowladda Soomaaliya ka taageeraysaa sidii ay dib ugu dhisi lahayd ciidamadeeda si ay uga adkaadaan Al-shabaab amniga dalka oo dhan ula wareegaan,” ayuu yiri Duddridge.

Sidoo kale, wasiirku sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka Britain, David Cameroon waxaa ka go’an dhaqan-gelinta qorshe muddo dheer ah oo lagu taageerayo Soomaaliya, isagoo xusay inay tani tahay qaabka ay ula tacaalayaan Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha Afrika ee Britain ayaa sharraxaad ka bixiyay shirka gaarka ah ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay maanta New York, isgoo sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada ay caalamku ku doonayaan in ay ku garab-istaagaan Soomaaliya.

“Mar walba oo Beesha Caalmaku ay sidan oo kale isugu timaaddo waxay u helaan fursad in dib u eegis lagu sameeyo horumarrada kala duwan ee ay Soomaaliya sameysay, waxaan kaloo eegnaa waxyaabaha u baahan in wax laga qabto si Soomaaliya iyo Somaliland ay u noqdaan kuwo cagahood isku taaga mustaqbalka fog,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu xusay in Afirka ay mustaqbal wanaagsan higsanayso haddii arrimaha qaarkood xoogga la saaro, waxaan rajo-weyn ka qabaa inay wax badan hagaagi doonaan haddii hosha laga billaabo amniga loona gudbo horumarka in ay jiri doonaan horumarro fiican oo ay Qaaraddu sameyso, balse waxaan oo dhan waxaa sal u ah in si hufan loo qaabeeyo nidaamka canshuuraha Afrika.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya