4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Madaxweyne Xasan oo Wufuud Caalami ah kula Kulmay Magaalada New York


Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo haatan ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka oo ay kaga qaybgalayaan shirka caalamiga ah ee QM ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Bankiga Adduunka oo uu hormuud u ahaa madaxweyne ku xigeenka bankiga ee qaybtiisa Afrika iyo xubno kale, ka intii aanu furin kulanka guud ee Qaramada Midoobay.

Xubnaha kulanka ku wehlinayay madaxweynaha Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaaan Bayle iyo xubno ka mid ah la-taliyeyaashiisa gaarka ah.

Sidoo kale, wafdiga waxay kulan kale la yeesheen danjire Nicholas Kay oo ah wakiilka QM ee Soomaaliya, madaxa ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo si gaar ah kulan ula yeeshay madaxa guud ee hay’adda ICRC, Peter Murree.

Dhammaan kulammada madaxweyne Xasan Sheekh iyo wufuuddan caalami ayaa looga doodda xaaladda Soomaaliya ka taagan iyo sidii caqabadaha jira looga hortegi lahaa, waxaana madaxweynuhu sheegay dhankiisa inay hadda Soomaaliya ku socota waddadii amniga, horumarka iyo barwaaqada.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa isna kulan la yeeshay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga iyo sidoo kale madaxa xarunta ka hortagga argagaxisada ee Qaramada Midoobay iyo wakiil Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Kulammadan ayaa iyagana looga hadlay sidii Somalia looga taageeeri lahaa inay horumar ka sameyso dhinacyada amniga iyo la dagaalanka kooxaha uu ugu yeeray argagaxisada ee haatan ay dowladda iyo AMISOM dagaalka kula jiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay kulan uu qaban-qaabiyay madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, kaasoo ka dhigi hoteelka caanka ah ee Waldorf Astoria oo ku yaalla magaalada New York.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa la guddoomin doona xog-yahaha guud ee QM, Ban Ki-Moon kulan looga hadli doono horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya oo maanta ka dhacaya New York, kaasoo lagu wado inay ka qaybgalaan wufuud heer caalami ah.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya