4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha Denmark u fadhiya dalka Kenya


Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Denmark u fadhiya Kenya Ambassador Geert Aagaard Andersen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in safiirka ka wada hadleen sidii xidhiidhka ka dhexeeya u xoojin lahaa, isla markaana usoo arki lahaa dhaqaalaha badan ee ay ugu deeqaan Somaliland waxyaalaha lagu qabtay iyo kaalinta ay ka qaadatay koboca dhaqaalaha ee dalka.

“Safiirka Denmark oo doonayey inuu madaxweynaha la kulmo, Denmark  waa dal aanu xidhiidh wanaagsan leenahay waxayna ka mid yihiin dalalka dhaqaalaha badan ku caawiya Somaliland, waxaanay xafiis ku leeyihiin halkan, waxaana warbixino ka siinay xaga horumarka, nabadda, Doorashooyinka iyo wada hadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeya, aad bay shacabka Somaliland qadarin u hayaa dawladda Danmark oo dhaqaale badan siisa Somaliland”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlayey kulanka la yeesheen safiirka.

Sidoo kale,  Safiirka Denmark u fadhiya Nairobi Ambassador Geert Aagaard Andersen, ayaa isna halkaasi ka sheegay inay Somaliland kala shaqaynayaan dhinaca horumarka, iyadoo qayb ka ah Denmark Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Waxa uu sheegay inuu safar ku tagi doono Berbera oo uu halkaasi ugu kuur galayo Xaaladaha Xoolaha oo dhaqaalaha Somaliland laf dhabar u ah.

“waxan la kulmay madaxweynaha iyo qaar ka mid ah wasiiradda, waxaana u imid sidii aanu usoo qiimeyn lahayn horumarka ka socda iyo sidii aanu wada shaqayn lahayn horumarka iyo nabadda, waxaana tagi doonnaa Berbera oo wakhtigan ay xoolo badani ka dhoofayaan iyo sidii aanu usoo eegi lahayn mashaariic badan oo aanu Somaliland ka fulino”ayuu yidhi Ambassador Geert Aagard.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waa safiirkii labaad eel aba cisho gudahood dalka yimaada, waxaana shalay madaxweynaha la kulmay safiirka Norway u qaabilsan Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland