4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Wiil Soomaaliyeed oo u dagaalamayay ISIS oo la sheegay in lagu dilay Suuriya

Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Wiil Soomaaliyeed oo haysta dhashada Kanada oo u dagaalamayay kooxda Daacish ayaa la sheegayaa in lagu dilay Waqooyig Suuriya, iyadoo saraakiisha amniga Kanada ay sheegeen inay wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinta arrintan.

Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa la waayay labo bilood ka hor, isagoo mar hooyadii kula hadlay taleefoon una sheegay inuu la joogo walaalihiis, iyadoo ay hadda soo baxayaan wararka sheegaya in la dilay.

Bogagga ay bulshadu ku xiriirto ayaa lasoo dhigay war sheegaya in wiilkaan Soomaaliga ah ee haysta dhalashada Kanada uu ku dhintay dagaal ciidammo Kurdiyiin ah iyo kuwa ISIS ku dhexmaray tuulo ku dhow soohdinta Turkigu uu la wadaago dalkaas. Iyadoo wiil ay wax wada-baran jireen Maxamuud ayaa u sheegay wargeyska National Post ee kasoo baxa Toronto in ruuxa la soo dhigay sawirkiisa baraha bulshadu ku xiriirto uu yahay Maxamuud.

Maxamuud oo ku noolaa magaalada Hamilton ee dalka Kanada ayaa da’diisa lagu sheegay 20- jir, waxaana aabbihii oo dhawaan la hadlay idaacadda VOA uu sheegay in wiilkiisa ku sugan yahay Suuriya, kaddib markii ay waayeen bishii July ee sannadkan xilli uu fasax ku joogay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnsota.

Saxiibbada Maxamuud ayaa waxay u aqoon jireen magaca ah MO3, waxaana uu kooxdan ku biiray isagoo wax ka baranayay iskuuulka St. Thomas More Catholic oo ah dugsi sare.

Wiilkan Soomaali-Canadian-ka ah ayaa ka mid noqday dhallinyaro Soomaali ah oo ku biiray kooxda Daacish, kuwaasoo qaarkood la sheegay in lagu dilay dagaallada ay kooxdan kawaddo dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

John Babcock oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Canada ayaa yiri. “Waan maqalnay wararka sheegaya in Somali-Canadian kooxda ISIS ka babar-dagaalamayay kooxda ISIS la dilay, balse ay baaritaanno wadaan.”

Geerida wiilkan Soomaaliyeed ayaa haddii uu run noqdo qofkii u horreeyay Canadian oo lagu dilo Suuriya iyo Ciraaq tan iyo markii uu billowday ololaha ka dhanka ah kooxda ISIS ee uu hormuudka ka yahay Mareykanka.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya