4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Jen. Axmed Ciriiri oo ku Geeriyooday Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka

Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Waxaa xalay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Jen. Axmed Sahal Cali (Axmed Ciriiri) oo ka tirsanaa saraakiishii sar-sare ee ciidamadii dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya.

Allaha u raxmadee marxuumka ayaa la sheegay inuu u dhintay xanuun lasoo gudboonaaday xilliyadii dambe, kaasoo markii dambe ugu geeriyooday xalay magaalada Dubai ee isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Jen. Axmed Cariiri ayaa wuxuu ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, laakiin markii dambe ayaa loo bedelay ciidamada asluubta, isagoo noqday taliyaha guud ee ciidamada asluubta ama ilaalada xabsiyada Soomaaliya.

Sidoo kale, intii ay jirtay dowladdii milateriga ahayd ayaa wuxuu wasiir ku xigeenka kasoo noqday wasaaraddii gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu noqday taliye ku xigeenka ciidamadaa xoogg dalka, ka hor intii aan loo bedelin ciidanka asluubta.

Marxuumka ayaa wuxuu intii ay dalka ka socdeen dagaallada sokeeye uu ka mid ahaa saraakiisha aan ka qaybgelin colaadihii sokeeye, isagoo aan inta badan ka hadlin xaaladaha dalka iyo dagaalladii sokeeye.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya