4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho kusoo laabtay kana hadlay safarkiisii


Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu safar ku tagay dalalka Britain iyo Norway, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane C/weli Sheekh ayaa magaalada London uga qaybgalay shir muhiim ahaa oo lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka, waxana sidoo kale uu kulamo la qaatay madax sare oo ka tirsan dowladda Britain.

Hadal uu ra’iisul wasaaruhu ka jeediyay xarunta daraasaadka ee magaalada London - Chatham House – iyadoo nuxuka qudbaddiisa ay ku saabsanayd ka hadalka hay’adaha dowladda Soomaaliya kaddib xilligii KMG-ka ahaa. Isagoo gaba-gabadiina la kulmay is-waraysi ah la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhul-weynaha Britain.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday dalka Norway, isagoo kulan kula yeeshay madax waddankaas, waxana labada dhinac ay kasoo wada-hadleen arrimaha horumarinta iyo danaha ka dhexeeya labada Qaran. Isgaoo kulan kale la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway, isagoo weydiistay inay qayb ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

“Safar shaqo oo toddobaad qaatay ayaan ku tagay Britain iyo Norway dalka ayaana si nabad ah ugu soo laabtay. Safarradayda waxaa ugu muhiimsanaa shirkii London ee looga arrinsanayay xoojinta awoodda ciidankeenna oo ay ay kasoo baxday natiijo la taaban karo, waxaana la isla gartay si ammaanka wax looga qabto in loo baahan yahay in la taageero ciidamadeenna,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo warbaahinta kula hadlay garoonka Muqdisho.

isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray. “Amniga Soomaaliya waxaa hanan kara ciidamada Soomaaliyeed oo xirfad iyo awood leh, sidaa awgeed waxay beesha caalamku nala garatay in maanta la joogo xilligii ciidankeena loo fidin lahaa taageero. Balan-qaad wanaagsan ayaa shirkaasi kasoo baxay, waxaana aan filaynaa in laga dhabeyn doono ballan-qaadkaas.“

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu yiri. “Waxaan kaloo safar ku tagnay dalka Norway oo ka mid ah kuwa daneeya arrimaha Somalia, runtiina wax badan inala qabta, waxaana wada-xaajood dheer la qaadanay madaxdooda qaarkood. Wadahadalladii laba-geedoodka ahaa ee na dhex-marayna waxaa lagu xoojinayay xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale laga wada arrinsaday dhinacyada horumarinta iyo meelaha ay naga taageeri karaan.”

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya