4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo wafdi ka socda QM oo booqday Buula-burte

Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Degmada Buula-burte oo dhawaan la gaarsiiyay deeq raashin ah oo ka timid madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa booqday wafdi ka socda QM oo uu wehlinayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

Wafdiga QM ayaa waxaa horkacayay isku-duwaha arrimaha bani’aadnimada Philippe Lazzarini, iyaga kulamo kala duwan la qaatay maamulka iyo waxgaradka oo ay ka wada hadalleen xaalada bani’aadanimo ee waqtiga ka jirta Buula-burte.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa sheegay in marka laga soo tago go’doominta mudo dheer saaran degmada dhinaca kale ay saameyn ku yeellatay dadka abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya siddaa daraded u baahan yihiin gargaar la soo gaaro.

Waxaa uu intaa ku darray in saraakiisha QM sheegeen in sidda ugu dhaqsiyaha badan kaalmo u soo gaarsiin doonaan dadka dhibaateysan, gaar ahaan hay’adda WFP oo ballan-qaaday  in bilaha nagu soo foolka leh sidda ugu dhaqsiyaha badan gaargaar u soo gaarsiin doonto degmada.

“Annaga ka maamul ahaan waxaa naga go’an oo aan u sheegnay xubnaha ka socday QM in aan gargaarka gaarsiin doono meel kasta oo loo baahdo, annaga oo adeegsaneyna awood militari,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka.

Inkastoo dhawaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidammada AMISOM safar dhulka ah gargaar u sii mariyeen degmada Buula-burte ayaa hadda dhinaca kale waxaa wali laga deyrinayaan xaalada nolaleed ee dadka ku dhaqan deegaannada hoostaga degmada.

C/raxmaan Diiini, Hiiraan online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya