4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Shirka dib u habaynta shaqaalaha rayidka ah ee P/land oo Garoowe ka furmay

Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland waxaa maanta ka furmay kulan ay isugu yimaadeen agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Maamulka Puntland loogana arrinsan doono dib u habaynta shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo gacan ka heleysa Hay'adda UNDP, waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Cumar Camay.

Mudane Camay ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha dowladda si ay si habsami leh shaqooyinkooda ugu qabtaan.

"dib u habaynta shaqaalaha dowladdu waa tayayn dowladeed waana waxa aanu rabno in aan kula tartano dowladaha kale, go'aammada kasoo baxa shirkaan waxaan rajaynayaa in ay noqdaan kuwo mira dhal ah" Madaxweye Ku-xigeenka Putland ayaa sidaas yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu agaasimeyaasha kulanka ka qayb gelaya ku boorriyey inay ka faa'iideystaan macluumaadka ay isweydaarsan doonaan muddada uu kulanku socdo, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey Hay'adda UNDP.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya