4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
MAREYKANKA: Dadka Qaba Ebola waxaa laga yaabaa inay gaaraan 1.4 Milyan

Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Dadka qaba cudurka Ebola ee ku nool wadamada Liberia iyo Sierra leone ayaa laga cabsi qabaa inay gaarto 1.4 Milyan oo qof sanadka 2015-ka sidaa waxaa warbaahinta u sheegay qaar kamid ah laamaha caafimaadka ee dowladda Maraykanka.

Waxaa xarumaha lagu baaro cudurada halista ah ee ku yaalla US ay shaaciyeen  in kiisaska xanuunka Ebola ay gaari doonto  550,0000 oo kiis marka la gaaro 20-ka bishaa koowaad ee isla sanadka 2015-ka.

Khuburada dhanka caafimaadka ee USA ayaa sidoo kale ka sii digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto hadii aan tallaabo deg-deg ah arintan looga hortagin ,waxaana ilaa iyo hadda cudurkan u geeriyooday kala bar 6000-kun ee ruux ee uu ku dhacay.

"Tirada xanuunkan uu ku dhacay kuma xirna xaaladaha hadda jira ,laakin waxaa loo baahan-yahay in laga taxadaro faafitaankiisa oo ay sabab u noqon karaan dadka uu haleelay"ayaa lagu yiri war ka soo baxay CDC.

Hay'adaha caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa taladaadii la soo dhaafay sheegay in kiisaska la xiriira xanuunkan ay halkii asbuucba gaaraan 100-ruux ,waxana la sii sadaaliyay in bisha Novembar ay kiisaska xanuunkan uu gaari doono 20,000 oo kiis.

Ugu danbayntii madaxa CDC Tom Frieden ayaa sheegay in hadii talaabooyin xilli hore ah la qaado la heli karo xal-looga hortagi karo Ebola  iyo khatartiisa ,isaga oo tilmaamay in dadaalada arintaas ay iminka socdaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]