4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galguduud

Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday xalay deegaanka Ceel-garas oo degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ka tirsan, iyadoo muddo uu dagaalku dhexmarayay deegaankaas ciidamada dowladda iyo kuwa caawiyaha ee AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii Al-shabaab ay dhowr jaho deegaanka ka weerartay, iyadoo dagaalka uu dhaliyay khasaare isugu jirta dhimasho ioy dhaawac soo kala gaartay labadii dhinac.

Goobjoogeyaal ayaa laga soo xigtay iyo dagaalku uu ahaa mid culus ayna arkeen dhimashada ugu yaraan toddoba ka mid ah dhinacyadii dagaalamay iyo dhaawac fara badan, balse saaka ay xaaladu deggen tahay.

“Xalay deegaanka waxaa soo weerartay Al-shabaab… dagaal culus ayaana ka dhacay… xaaladdu saaka waa daggan tahay, dhimashada toddoba qof ayaa noo suuro-gashay inaan aragno, khasaaruhuse intaas waa ka badan yahay,” ayuu yiri ruux goobjooge ah oo warbaahinta la hadlay.

Ceel-garas ayaa waxay ka mid ah deegaannadii Al-shabaab looga qabsaday wajiga labaad ee howlgalka ciidamada AMISOM ee loogu magac-daray Badweynta Hindiya, iyadoo la xaqiijiyay in deegaanka ay weli gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Galguduud ayaan weli ka haldin dagaalka, iyadoo sidoo kale aysan weli ka haldin Al-shabaab dagaalkii xalay.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerarro noocan oo kale ah ku qaadday meelo ka mid ah deegaannadii laga qabsaday, inkastoo dowladda iyo AMISOM ay sheegayaan inay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya