4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
Kooxo Hubeysan oo Haweeney 57-jir ahayd Dhaawac ugu Geystay Muqdisho

Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay dhaawac culus ugu geystay xaafada gubta ee degmada Dayniile haweeney da’ ah, kaddib markii goobteeda ganacsi ay ku weerareen.

Haweeneydan oo 57-jir ahayd ayaa lagu magacaabaa Xasno Maxamed, iyadoo kooxaha hubeysan ee weeraray ay madaxa dhaawac rasaasta kala heleen, taasoo keentay inuu dhaawac culus gaaro.

Wiil ay haweeneydan dhashay ayaa warbaahinta u sheegay inaysan ogeyn sababta loo beegsaday hooyadii oo da’ ahayd, balse weerarka uu filayo inuu la xiriiro dhaawac wiil ay dhashay loo geystay, kaasoo la doonayya in la dilo.

“Xalay ayay kooxo hubeysan soo weerareen hooyaday oo 57-jir ah xilligaana ku sugnayd goobteeda ganacsiga, dhaawac culus ayayna u geysteen, kaddib markii ay dhowr xabbadood madaxa kaga dhufteen. Falkanna wuxuu u ekaa in la doonayay in lagu dilo,” ayuu yiri Maxamed Muxiyadiin oo ka mid ah wiilasha ay dhashay haweeneydan la dhaawacay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka haweeneydan lagu dhaawacay, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee dhaawaceeda ka dambeysay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qof haweeney ah dhaawac ama dil loogu geysto Muqdisho, iyadoo xilliyadii dambe ay soo kordhayeen weerarada lala beegsanayo haweenka ganacsiga ku leh Muqdisho.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya