4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2014
NUSOJ oo afartan wariye tababbar uga furay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa 40 saxafi uga furay magaalada Muqdisho tababar socon doona saddex casho. Tababarkan oo ay taageereyso safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa waxaa suxufiyiinta oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa kala kala socda Muqdisho, labada shabeelle iyo Baydhabo.

Furitaanka tababarka oo ay kasoo qayb-galeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin  wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, mas’uul ka socday hay’adda Relief International, guddoomiyaha guddiga saxaafada baarlamaanka iyo xubno kale ayaa inta uu socdo lagu baran doonaa badbaadada suxufiga.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamey in ujeeddadda tababarkan ay tahay sidii xoogga lagu saari lahaa habka ugu habboon ee bad-qabnimada iyo sida ugu fiican ee ay suxufiyiintu uga jawaabi karaan haddii dhibaato ku timaado iyo habka tebinta haboon iyo sidii ay uga feejignaan lahaayeen tabinta wararka khatarta u leh si naftooda iyo tan dadka Soomaaliyeedba ay uga badbaadaan faafinta wararka aan sax ahayn.

Agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska raiisul wasaraha, Dr. Cabdicasiis Cabdullaahi Yuusuf ayaa isna halkaa ka yiri. "Dhallinyarada waa laf-dhabarta dalka waxaan leeyahay dadaala. Waxaa tihiin dadka dalka iska leh." Isagoo NUSOJ uga mahadceliyay qaban-qaabada tababarkan iyo taageerada Mareykanka ay siisay suxufiyiinta Soomaaliyeed. Dr. Cabdicasiis ballan-qaaday inuu la shaqeyn doono dhammaan warbaahinta Soomaaliya, isagoo sheegay in xafiiskiisa arrimaha bulshadu ay taageeri doono dadaalada ay NUSOJ waddo, kuna dhiirigeliyay inay dadaalkooda laba jibaaraan ee ku aaddan horumarinta saxaafadda.

Ugu dambeyn, waxaan tababarka si rasmi ah u furay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, C/llaahi Colaad Rooble, ahna ku simaha wasiirka warfaafinta, isagoo sheegay in NUSOJ ay siminnaaro qiimo leh mar waliba bixiso, waana urur jecel inuu horumariyo wariyeyaasha, dhowr marna tababarro sidaan u qiimo badan aan kala qeyb qaatay. Isagoo yiri "Tababarkaan bad-qabka aad buu muhiim ugu yahay suxufiyiinta xilligan waayo, wariyaha wuxuu qalinka ku qorayo ayaa u keeni kara sharaf ama xumaan."

Gabagabadii wuxuu sheegay in wasaaraddu ay ballanqaadeyso  in ururrada raba inay dadka iyo dalka wax u qabtaan sida NUSOJ iyo Relief International inay u fududeynayso tas-hiilaadka ay uga baahdaan wasaaradda iyo xukuumaddaba, isagoo sheegay inay dhiirri-gelinayaan dadaallada ay wadaan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya