4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida oo la Magacaabay


Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Wareegto uu ku saxiixnaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa maanta loogu magacaabay xilka guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, Col. Liibaan Cali Yaroow oo horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Isla qoraalkan uu soo saaray wasiirka gaashaandhigga ayaa sidoo kale loogu magacaabay guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Col. Xasan Cali Nuur (Shuute).

“Madaxda, saraakiisha ay sida tooska ah ugu socoto warqadan iyo kuwa la ogeysiiyayba, waxaa lagu wargelinayaa sida ku cad lifaaqa oo ah xeer madaxweyne Lam-56 ee soo baxay 21/09/2014-ka in la dallacsiiyay min hal darajo mas’uuliyiinta loo dhiibay maxkamadaha ciidamada qalabka sida,” ayaa lagu yiri wareegtada magacaabista mas’uuliyiinta.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu yiri. “G/sare Liibaan Cali Yarow waxaa loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya. Sidoo kale, G/lle Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa isagana loo magcaabay guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida ee dalka.”

Magacaabidda mas’uuliyiintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu ka maqan yahay dalka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, iyo kaddib markii guddoomiyihii maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida dhawaan loo magacaabay taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Golah wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare u magacaabay taliyaha ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka; iyadoo xilkan laga qaaday taliyhii hore ee nabadsugidda, Sanbaloolshe.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya