4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Xoogsatada Dekedda Muqdisho oo Banaanbax cabasho ah ka dhigay Muqdisho


Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Boqollaal ka tirsan xoogsatada dekedda weyn ee Muqdisho, xubinna ka ah isu-tagga ururka shaqaalaha Soomaaliyeed ee SCTU ayaa maanta dibadbax ka dhigay waddooyinka gala dekedda weyn ee Muqdisho illaa isgoyska Sayidka ee xarunta baarlamaanka  Soomaaliya ku dhow, kuwaasoo watay boorar ay ku qoranaa erayo Afafka Soomaaliga iyo Ingiriiska ka koobnaa.

Erayada ku qornaa boorarka ayaa waxaa ka mid ahaa; ‘waan shaqeysanaaye yaan shaqo la’aan nala dhigin - waxa lagu saaro qaad waxa lagu siiyo qaado doonimeyno - Turkiyoow talo tuugo ha ku shaqeyn - Aabahay waa xamaali ee yaan waxbarasho la’aan la ina dhigin oo xamaali la iga dhigin - Hormar diidi mayno shqo la’aanna doonimayno iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha Isu-tagga ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, Maxamed Cismaan Xaaji oo dibadbaxa ka hadlay ayaa sheegay in shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Soomaaliyeed ay noqotay dhibaato wayn, taasoo ku khasbaysa inay isaga haajiraan dalka ama ay ka qaybqaataan colaadaha jira, haddiise ay dhacdo shaqaale shaqo haysta la dhigo shaqo la’aan ay suuro-gal tahay inay sii kordhaan falalka dalka ka jira.

“Isu-tagga ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed wuxuu soo dhaweynayaa heshiis kasta oo lagu horumarinayo shaqaalaha Soomaaliyeed oo ay wada-galaan dowladda Soomaaliya iyo shirkado shisheeye, balse waxaan kasoo hor-jeednaa in shaqo la’aan la dhigo dad hadda shaqeysta,” ayuu yiri Xaaji.

Sidoo kale, guddoomiyaha xoogsatada dekedda Muqdisho, Yuusuf  Warsame Afrax ayaa warsaxaafadeed u akhriyay dibadbaxayaasha, kaasoo u qornaa sidan:

Annagoo ah xoogsatada dekadda Muqdisho, tiradeennuna tahay 5,311 qof oo leh sharci iyo aqooni mas’uuliyiintii dalka soo maray na siiyeen. Asalkana kasoo jeeda hay’addo shibil ah oo xiligii gumeysiga loo tababaray inay kasoo dajiyaan maraakiibta badeeco, kana kooban xamaali, wish-wade, tiriye iyo farsamo yaqaanno xira baabuurta, kuwo koonteennarrada maraakiib kasoo dajiya iyo faarujin iyo kuwa rara dhammaan badeecadaha la dhoofinayo.

Haddaba, wasiirka dekedaha Somalia wuxuu dekeddii ku wareejiyay shirkad Al-Beyrak la yiraahdo, iyadoo aan xoogsatada dekedda ka shaqeeya aan wax heshiis ah lala gelin. Shirar la qabtayna waxaa kasoo baxay arrimo ay ka mid yihiin; 350 xamaali keena oo saddex shifti oo min 8-saac ah shaqeeya; qof walbana la siinayo shiftiga uu shaqeeyo lix doolar iyo war ka danbeeyay oo ah 1,800 oo shillin lookiiba ku dajiya kuna rara min markab illaa baabuur.

Annagu waxaan doonaynaa horumarin lagu sameeyo dekedda, balse nooma muuqato shaqadii aan qaban jirnay, waxay kusoo kordhiyeen waa hal wiish oo weyn kaliya, waxayna doonayaan inay lacagteenna dhismaan, tusaale ahaan; loorkii annagu waxaan min markab illaa baabuur aan ganacsatadda ka qaadannaa 6,000 oo shillin Soomaali ah, suuqyada xamar baqaar -galin & ka bixin waa 4,000 oo shillin Soomaali ah. Shirkada Al-Beyrek waxay nagu tiri ku shaqeeya 1,800 oo shillin, marka hoos u dhacu waa 70%.

Sidoo kale, fuustada hadda waxaan ganacsatada ugu shaqeynaa 40,000 oo shilliin, suuqyada xamar waxaa lagu dajiyaan laguna raraa 40,000 oo shillin, Al-Beyrek waxay nagu tiri 7,200 oo shillin ku shaqeeya waxaa naga lumay lacag dhan 82%.

Taasi macnaheedu waa ha ku shaqeyn waayaan oo ha ka bexeen dekedda, waxaan dhibkaas iyo taladaas qaldan bixinaya rag deegaanka ah oo la ah shirkadda shirko-wadaag, iyagoo doonaya inaan ku shaqeeyno lacag aad u hooseysa si ay lacag badan iyagu u helaan.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta dowladda ee heer Qaran ayaan cabashadeennu ku socotaa, waxaana ka codsanaynaa inay xaqiiqada ogaadaan, si ay ciddii gar-daran u qabtaan, innagoo dulmanna aan awoodda dowladdeenna naloo adeegsan.

Bannaanbaxa ay dhigeen maanta xoogsatada dekedda magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka Somalia, taasoo ay macnaheedu tahay in baarlamaanka ay difaacaan xoogsatada dekedda.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya