4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
ICRC iyo Ururka Bisha Cas oo Gar-gaar u Qaybiyay 36,000 oo Barakacayaal ah

Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Hay’adda caalamiga ah ee ICRC iyo ururka bisha cas ee Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo gaba-gabeeyeen gargaar ay u qaybiyeen 36,000 oo qoys oo barakac ahaan u joogay degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed ay hay’adahan ayaa lagu sheegay in sidoo kale 4,000 oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano iyo 860 haween ah oo leh uur ay u qaybiyeen raashinka nafaqada soo celiya oo loogu talo-galay inay isitcmaalaan muddo bil ah.

"Gobolka Hiiraan oo ay isku biirsadeen abaaro iyo colaado daba-dheeraaday ayay khasab ku noqotay dad badan oo deegaanno fog-fog deggenaa ay ka guuraan guryahooda oo y gaaraan Baladweyne. Xaaladda barakacayaasha ku nool xeryaha ayay xaaladdoodu aad u sii xumaanaysaa, iyadoo ay hadda haysato cunnno yaraan ba’an, " ayay tiri Kristy Manners oo ah khabiirad ku taqasusustay nafaqeynta Soomaaliya oo ICRC ka tirsan.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in sahan ay horraantii sannadkan ku sameysay hubinta cunnada dadka soo barakacay ee xerooyinka ku jira ay u muujisay inay jiraan xaalado u baahan si dhaqso ah loogu gurmado.

“Wareegii koowaad ee gargaar qaybintan waxaan sameynay horraantii bishii July ee lasoo dhaafay, taasoo aan gargaar ugu qaybinnay 6,100 qoys oo ka mid ah barakacayaasha, wareeggii labaad ee gargaar qaybintanna waa tan aan hadda soo dhameystirnay, innagoo siinnay qoys walba raashin uu bil ku noolaan karo,” ayay Manners hadalkeeda ku dartay.

Hay’adda ICRC ayaa waxay wada-shaqeyn la leedahay ururka Bisha Cas ee Soomaaliya si ay u caawiyaan dadka ay saameynta ku yeeshaan abaaraha, colaadaha iyo musiibooyink dabiiciga ah.

Ugu dambeyn, ururku qoraalkiisa ku sheegay inay bixiyaan gargaar deg-deg ah, waxayna sidoo kale caawiyaan maxaabiista iyo dib u soo celinta xiriirka u dhexeeya xubnaha isku qoyska ah ee isku-waayay colaadaha.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya