4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Wariye Ameerikaan ah oo Afduub loogu haystay Soomaaliya oo la sii daayay


Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Wariye Mareykan ah oo asal ahaanna kasoo jeeda dalka Jarmalka oo muddo laba sano iyo bar ah ay afduub ugu haysteen deegaanno gobolka Mudug ka tirsan kooxo burcadbadeed Soomaaliyeed ah ayaa lasii daayay, sida uu shaaciyay shabakadda Der Spiegel oo fadhigeedu yahay dalka Jarmalka.

“Waxaan idiin xaqiijin karnaa in wariyahan Jamralka ah oo dhalashada dalka Mareykanka haysta oo lagu afduubay Somalia laba sano ka hor hadda la sii daayay,” ayay afhayeenadda wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka u sheegtay NBC News.

Qoraalka lagu daabacay wargeyskan ayaa intaas ku darayaa. “Micheal Scott Moore ayaa la sii daayay kaddib markii uu laba sano iyo dheeraad gacanta ugu jiray afduubayaal Soomaali ah. Wariyuhu ayaa wuxuu u shaqeynayay barta internet-ka ee Spiegel Online, xaaladdiisuna waa mid wanaagsan.”

Moore oo 45-sano jir ah ayaa lagu afduubay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug bishii Jannaayo 2012, xilli uu halkaas u tagay inuu burcadbadeedda Soomaaliya warbixinno kasoo sameeyo. iyadoo shabakadda Der Spiegel Online ay intaa ku daray in wariyaha Muqdisho loo dhoofiyay.

“Wariyihii shisheeyaha ahaa ee afduubka loo haystay waa la sii daayay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay, isgaoo ka gaabsaday inuu ka hadlo in madaxfurasho laga dhiibay iyo in kale. Balse warar ayaa sheegaya in lacag madaxfurasho la siiyay kooxihii burcadbadeedda ahaa ee haystay wariyaha.

Xukuumadaha Mareykanka iyo Jarmalka ayaa xusay inay ku daaleen wadahadalkii ay kula jireen kooxaha burcadbadeedda ahaa ee wariyaha haystay si ay uga sii daayaan, laakiin ma sheegin in madaxfurasho la dhiibay iyo in kale.

“Rajadeennii ma noqon mid lunta, haddana waxaan isku diyaarinaynaa inaan dabaal-dagga la wadaagno Micheal iyo hooyadii Marlies, riyooyinkeenniina ugu dambeyn guul guul ayay ku dhammaadeen,” sidaa waxaa yiri tifaftiraha guud ee shabakadda Spiegel Online oo lagu magacaabo, Wolfgang Buechner.

Wariyahan ajnabiga ah ayaa markii hore lagu haystay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, iyadoo burcdddii haystay ay horay u dalbadeen madax-furasho lacageed oo gaaraysa 20-milyan oo doollarka Mareykaka ah .

Somalia ayaa waxay mudaba ahayd meel dhibaatooyin loogu geysto wariyeyaasha, iyadoo suxufiyiin badan oo Soomaaliyeed la dilay sannadihii lasoo dhaafay, halka kuwo kale oo shisheeye ahna lagu afduubay, kuwaasoo ugu dambeyn lagu sii daayay madaxfurasho.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya