4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Garoomada Somaliland oo laga joojiyay in laga dhoofiyo qaad loo qaado Yurub

Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Wasaaradda Duulista hawada sare iyo gaadiidka Cirka ayaa sheegtay inay mamnuuc tahay in madaarka Somaliland laga dhoofiyo qaad loo waddo dalalka Yurub iyo Carabta, taas oo dhawr jeer lagu qabtay madaarka Qaad loo tah-riibinayo dalalkaasi.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay sumcad xumo ku noqonayso madaaradda Somaliland in laga dhoofiyo qaad loo waddo wadamo hore dalalkooda uga mamnuucay.

“Hawlwadeennada Ammaanka ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal waxay toddobaadyadii ugu dambeeyey qabteen Qaad sifo ganacsi oo sharcidarro ah la isku dayayey in dalka lagaga dhoofiyo loona waday qaar ka mida waddammada Yurub sida Ingiriiska, Iswiidhan, Noorway, iyo Dhenmaarik. Iyada oo qaar ka mid ah rakaabkii dhoofayey ay siteen, si ay qarsoodi ugu galiyaan waddammadaas”ayaa lagu yidhi wa-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradaasi oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaarada Sadaam Maxamed Axmed.

“Shaqaalaha ammaanka ee madaarka Cigaal oo adeegsanaya qalab casri ah iyo xirfaddooda baadhitaan ee sarraysa, ayaa ku guulaystay inay qabtaan oo fashiliyaan qorshaha Qaadkan oo dad badani sideen, si loogu gudbiyo waddamo ay ka soo xagaa baxeen,  oo salka ku haysay ujeeddo ganacsi”ayaa la raaciyey.

Wasaaradda ayaa ku wargalisay dadweynaha ka dhoofa madaaradda inay mamnuuc tahay in qaad laga dhoofiyo madaaradda cidii lagu qabtana talaabo laga qaadi doonno “ Wasaaradda Duulistu waxay ku war galinaysaa dhammaan dadka rakaabka ah ee ka dhex goosha madaarrada dalka inay mamnuuc tahay in Qaad loo dhoofiyo waddammada Yurub iyo Carabta iyo guud ahaan wax kasta oo aan soo marin dariiqa sharciga ah ee waaxaha madaarrada”.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay uga digayso dadweynaha rakaabka ah inay ku kacaan falal liddi ku ah shuruucda dalalka ay u dhoofayaan iyo midka ay ka dhoofayaan, taas oo saamayn ku yeelan karta socdaalkooda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland