4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo xafiiskiisa ku Qaabilay danjiraha Norway ee Somalia


Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka Norway u qaabilsan Soomaaliya Mr. Jens Mjaugeal.

Shirkaasi ka dib uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Norway, kuwaas oo sheegay inay ka wada hadleen sidii xidhiidhka labadda dhinac loo xoojin lahaa iyo sidii Norway uga qaybqaadan lahayd taageeradda wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in safiirka ka wada hadleen sidii Somaliland looga taageeri lahaa kobcinta dhaqaalaha, diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka soo socdo, sidoo kale waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii Norway qayb uga qaadan lahaayeen wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya.

“Safiirka waxanu ka wada hadalnay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen horumarka Somaliland ka socda, Norway waxay khabiir ku tahay arrimaha shiidaalka, marka waxaanu ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labadda dal, horumarinta xaga dhaqaalaha, Kalluunka iyo taageeridda diiwaangelinta iyo doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlayey waxay ka wada hadleen safiirka Norway ee Soomaaliya u qaabilsan.

Waxaanu intaas ku daray “ waxa kale oo aanu usoo bandhigay siddii kaalin muuqda uga qaybqaadano nabadda, la dagaallanka budhcad badeedda iyo la dagalanka argagixisada oo shaqo fiican ka qabanay, sidoo kale waxay Norway khabiir ku tahay xaga wada hadaladda waxaana u sheegay inay qayb ka qaadato fududeynta wada hadaladda u dhexeeya Somaliland iyo Soomaliya”

Sidoo kale, waxaa isaguna dhankiisa hadlay safiirka Norway Mr. Jens Mjaugeal, waxaanu sheegay inay taageerayaan diiwaangelinta socota iyo horumarinta kale ee Somaliland ka socda.

“Waxaanu ka wada hadalnay sidii aanu ga wada shaqayn lahayn xaga horumarka, diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, waxa kale oo kaalin ka qaadanaynaa dardargelinta nabadgalyadda iyo kor u qaadidda kaabayaasha dhaqaalaha, waxa kale oo ka shaqayn doonaa sidii ay usii socon lahayd wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya”ayuu yidhi Mr. Jens Mjaugeal.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland