4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Baydhabo oo laga furay dood ku saabsan dhismaha Maamulka Koofur-galbeed


Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Baydhabo waxaa ka socda shirar iyo kulmo looga arrinsanayo maamul u sameeynta gobollada Koonfur-galbeed ee Somalia, iyadoo ay jiraan fikrado iska soo horjeeda ee ku saabsan qaabka iyo nooca maamul u sameeynta. 

Xarunta Cilmi-baarista iyo wadatshiga ee CRD ayaa waxaa laga dalbaday in ay fududeeyso kulammada iyo wadatashiyada. Waxayna xaruntu u billowday labada dhinac iyo shabacka ku deegaannada Koonfur-galbeed wada-hadalsiin.

Maxamed Macallin Nuur oo ka mid ah dadka ka qayb-galay kulanka dib  u heshiisiinta iyo wada-tashiga ah ayaa sheegay inuu aad ugu farxsan yahay wadahalka furmay.

“Waa markii ugu horreysan iyadaoo aanay cidna nagu dhex-jirin aan  si toos ah uga wada-hadalno arrimaha ku aaddan mustaqbalka dadka deegaannada Koonfur-galbeed Somalia,” ayuu yiri Maxamed Macallin oo hadalkiisa ku daray. “Mar kastaa talada meel kale ayaa lagu soo karkarin jiray, laakiinse hadda wadahadalka shacabka waa laga qayb-galiyay."

Ergooyinka ka kala socda maamul u sameynta Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa ka qayb-galay dood-cilmiyeed ay u furay hay’adda CRD oo fadigeedu yahay magaalada  Baydhabo ee gobolka Bay.

Madaxa hay’adda CRD, Prof. Cabdullaahi Xaaji Xasan (Manuur) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabka Koonfur-galbeed ay ka codsadeen CRD in muddo 15 casho ah ay u furto dood-cilmiyeed iyo wada-tashi ay ka qayb-galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, mas’uulka CRD ayaa sheegay inay kulanka dib-u-heshiisiinta  ah ugu yeerayaan dhammaan qaybaha bulshada rayidka ee Koonfur-galbeed ha ahaadaan aqoonyahannada, siyaasiyiinta haweenka, culummada iyo sidoo kale indheer-garatka. Prof C/llaahi ayaa yiri. ”Waa markii ugu horreysan oo dadka la siiyay fursad ay dareenkooda kaga hadlaan.”

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shirka maamulka loogu samenayo Koonfur-galbeed ee oo ay wadaan qaybo iska soo horjeeda oo kala aaminsan fakrado kala duwan.

Baydhabo ayaa waxaa ku sugan wasiirro iyo guddiga maamul u sameynta Koonfur-galbeed Soomaaliya, iyadoo maamulka ka kooban lixda gobol ay ku mashquulsan yihiin sidii loo dhisi lahaa maamulka Koonfur-galbeed.

“Waxaan helnay fursad aan ku cabirino dareenkeenna, talana aan ku yeelano mustaqbal-keenna, waa markii ugu horreysan oo aan ka hadalno maamul u sameeynta gobolladan,” sidaas waxaa tiri Nuurto Cabdi.

Hoowlaha dib u heshiisiinta ah ee ka socda Baydhabo ayaa sii socon doona maalmaha soo socda.

Hiiraan Online, Baydhabo