4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID oo eedeyn u jeediyay Xukuumadda


Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Musharraxa madaxweynenimo ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanu fahmin waxay ku heshiiyeen mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland ee ku saabsn ee diiwaan-gelinta madaniga ah.

Jamaal ayaa sheegay in aanu waxba kala socon, isla markaana wax tallo ah ku lahayn heshiishkaasi la sheegay inay kala saxeexdeen xukuumadda iyo xisbiyadda, isla markaana aanay jirin qoraal la fahmi karo oo ay ku heshiiyeen oo ay umadda usoo bandhigeen.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in aan la aamini Karin xukuumadda maadaama oo ay heshiishyaddii horaba kaga baxday, isla markaana heshiish dambe oo lalo galla isla sidii hore uu u dhacayaan.

“Horta Heshiiskan, anigu warbaahinta uun baan ka maqlay,mid aan wax ka ogaa ama wax talo ah ku lahaa midna muu ahayn, markii aan eegay heshiiska ma laha wax qodobo ah ama wax la kala saxeexday ama wax qoraalaba. markii ay hadlayeena waxaan maqlayay iyagoo kala hadlaya oo mid waliba meel ku dhufanayo, marka  sida dadku ugu jaahwareeray ayuun baan anna ugu jaahwareeray heshiiskaas la gaadhay” ayuu  yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya heshiishyaddii dhexmaray xisbiyadda mucaaradka iyo xukuumadda.

Waxaanu intaas ku daray “Anigu Shaqsi ahaan runtii Kalsooni yar baan ka qabaa in Xukumaddani heshiiska ay gasho ay fulinayso, Dhawr jeer ayay Xukumaddu heshiisyo ay Mucaaradka la gashay kaga baxday, markaa anagoo og wixii hore noqon mayso inaanu sacabkuun u tuno ee waa in wuxu noqdo mid macquul ah oo dadka oo dhan qancin kara”.

Jamaal Cali Xuseen ayaa guddoomiyihiisa Faysal Cali Waraabe taageeray heshiishkan ay xukuumadda la galeen xisbiyadda iyo xukuumadda, haseyeeshee Jamaal kama dhex muuqan heshiiskaasi ay wada galeen xisbiyada iyo xukuumaddu.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland