4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Maxkamadda Magaalada Hargeysa oo Xukuntay dad lagu eedeeyay Dhir-jaris

Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Maxkamada Hargeysa ayaa  xukunno kala duwan ku riday dad lagu soo eedeeyey inay xaalufinayeen deegaanka.

Hoolka dacwaddu ka socotay waxa goobjoog ka ahaa dadkan la soo eedeeyey eheladoodii, wasaaradda deegaanka oo usoo gacan galisay Maxkamadda degmadda Hargeysa, waxanu gudoomiyaha degmadda Hargeysa Garsoore Cabdiraxmaan Maxamed Mawliiid ku dhawaaqay xukunkii maxkamadda ku xukuntay.

Garsoore Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay inay eedeysanayaashu yihiin toban qof, isla markaana lagu soo eedeeyey xaalufinta deegaanka iyo jarista dhirta taas oo ay u cuskadeen xeerarka dastuurka Somaliland.

Maxkamaddu ayaa saddex ka mid ah ragaasi la soo qabtay ku xukuntay sagaal bilood iyo hal milyan oo shilling Somaliland ah, halka toddoba ka mid ahna lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah iyo hal milyan oo shilling Somaliland ah.

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa soo dhoweeyey go;aankan  maxkamaddu ku xukuntay dad lagu soo qabqabtay xaalufinta deegaanka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la joogteeyo.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee dad lagu soo eedeeyo xaalufinta deegaanka la xukumo, arrintaasi waxay ka dambaysay ka dib markii wasaaradda Deegaanku dagaal la gashay dadka caadaystay inay dhirta gubaan, waxaanay ka soo saartay go;aamo lagu joojinayo jarista dhirtaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland