4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Mid ka mid ah askarta Shabaab oo qof rayid ah ku dilay degmada Xarardheere

Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Mid ka mid ah xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ku dilay gudaha degmada Xarardheere ee gobolka Mudug qof rayid ah, iyadoo saaka xabsiga la dhigay askarigii dilka geystay.

Wararka laga helayo degmada Xarardheere ayaa sheegaya in ruuxan ka mid ah xoogagga Al-shabaab iyo qofka uu dilay oo ka mid ahaa dadka deegaanka uu soo dhexmaray muran, taasoo keentay in qofkii rayidka ahaa la toogto.

“Qofka la dilay waa mid ka mid ah dhallinyarada ku nool degmada, waxaana toogtay mid ka mid ah ciidamada Al-shabaab oo ay murmeen,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta u warramayay saaka.

Goobjoogahan ayaa sheegay in wiilka uu markii hore dhaawac culus gaaray, balse uu goor dambe u dhintay, isagoo xusay in askarigii dilka geystay saaka la dhigay xabsiga.

Degmada Xarardheere ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab ,balse weli kooxdu kama aysan hadlin dilka uu askarigooda u geystay qofka rayidka ah iyo sida ay ka yeeli doonaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mid ka mid ah ciidamada Al-shabaab uu toogasho ku dilo qof rayid ah, iyadoo horay ay kooxdu qisaas ugu fulisay askari ciidamadeeda ka tirsan oo dilal ku geystay dad rayid ah.

Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla, inkastoo weerarro xooggan ay ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ku halayaan ee AMISOM.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya