4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2014
Mareykanka oo sheegay inuu duqeeyay Deegaano ay ku sugan tahay Daacish

Talaado, September 23, 2014 (HOL) — Xukuumadda Washington ayaa ka dhawaajisay inay markii ugu horreysay duqeyn ku billowday deegaannada ay gcanta ku hayso kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Duqeyntan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan Mareykanka uu galaangal weyn u sameynayay sidii uu dalalka carabta iyo kuwa muslimka ah ee ku yaalla Bariga dhexe uga heli lahaa iskaashi weerarro uu ku qaado kooxdan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay markii ugu horreysay billaabeen in ay duqeeyaan deegaannada ay kooxda daacish kaga sugan tahay dalalka Ciraaq iyo Siiriya, tan iyo markii ay ololaha isbahaysi raadinta ah billaabeen.

“Diyaaradaheenna xambaara bambooyinka culus iyo kuwa dagaalka ayaa la beegsaday gantaallo goobaha ay kooxda Daacish kaga sugan tahay dalalka Suuriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Admiral John Kirby oo ka tirsan Pentagon-ka.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in goobaha ay sida aadka ah duqeynta uga geysteen ay yihiin goobaha ay Daacish kaga sugan tahay tahay dalka Ciraaq, gaar ahaan waqooyiga dalkaas.

Xukuumadda Suuriya ayaa la sheegay inay aqbashay in la duqeeyo meelaha ay kooxdan kaga sugan tahay dalkeeda, balse duqeynta Ciraaq ay tahay mid uu Mareykanku iska go’aasaday oo aan cidna waxba laga weydiin.

Kooxda Islaamiga ah ee Daacish ayaa waxay horay u dishay laba wariye oo Mareykan ah, iyagoo ka digay in Mareykanku uu duqeymo ka geysto goobaha ay kaga sugan yihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Daacish oo kasbanaysa dagaalyahanno dhallinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar oo caalamka dacalladiisa ka imaanaya ayaa waxay horay u sheegtay inay ka go’an tahay inay soo celiso khilaafadii Islaamka, ayna dalalka Suuriya iyo Ciraaq ku xukunto diinta Islaamka.

Faransiiska ayaa isaguna sheegay inay duqeymo ka geysanayaan goobaha ay kooxdan kaga sugan tahay labadan dal, iyadoo la sheegayo in Israa’iil ay iyduna qorsheynayso inay weerarrto deegaannada ay kooxdan ka taliso.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya