4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Xulka Kubadda Kulayga ee Somalia oo Guul-darro kala kulmay ciyaar ay Kenya isaga horyimaadeen

Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Xulka kubadda koleyga Somalia ee ka qayb-galaya ciyaaraha kubadda koleyga ee  Zone-5 oo ka socda Kampala ayaa guul-darro weyn caawa kala kulmay xulka Kenya, kaddib markii looga badiyay 97 dhibcood, halka xulka Somalia uu k helay 79-dhibcood.

Sidoo kale, xulka Soomaaliya ayaa xalay guul-darro middan oo kale ah kala kulmay xulka Uganda, iyadoo ay xulka Soomaaliya u harsan yihiin ciyaaro uu la yeelan doono Masar iyo Rwanda oo ah labada xul looga cabsida qabo inay koobkan qaadaan.

Ciyaartii caawa dhexmartay xulalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa inta badan ciyaarta hoggaaminayay xulka kubadda koleyga ee Kenya, iyadoo ay jirtay fursado yar oo ay xulka Soomaaliya heleen.

Garoonka ay ciyaartu ka dhacaysay ayaa waxaa ku sugnaa taageerayaal aad u badan oo Soomaali ah, kuwaasoo niyad-jab xooggan ka qaaday ciyaartaan oo guul-darro weyn ay kala kulmeen xulkii matalayay Soomaaliya.

Tababaraha xulka kubadda koleyga Somalia, Baarajab oo HOL ay kula kulantay garoonka ay ciyaartu ka dhacaysay ayaa waxaan wax k weydiinnay guul-darrooyinka isdaba-joogga ah ee ku dhacay xulka Soomaaliya? isgaoo ku jawaabay.

“Runtii tababar la’aan ayaa sabab u ah guul-darrooyinkan nagu dhacay, afar cayaartooy oo aad u wanaagsan ayaanay noo suuro-gelin in sanadkan aan halkan keenno, laakiin waxaan hubaa in haddii ay joogi lahaayeen aan innagu koobka qaadi lahayn.”

Baarajab oo sii hadlayay ayaa sheegay in sannadka soo socda ay si aad ah ugu soo diyaar-garoobi doonaan ciyaarahan, ayna keeni doonaan ciyaartoyda ka maqan hadda, isagoo ka muujiyay rajo in markaas ay guulo kasoo hoyn doonaan ciyaarahan.

Rajada xulka kubadda koleyga Soomaaliya ayaa u muuqata mid meel hoose kusii socota, iyadoo haddii ciyaarta ugu horreysa labada ciyaarood ee hadda u dhiman laga badinayo ay taasi xaqiijinayso inay ka hareen ciyaaraha.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya