4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Somaliland oo sheegtay in shir ku saabsan ganacsiga loogu qabanayo Britain

Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegtay in Ingiriisku qabanayo shir lagu soo bandhigi doono ganacsiga iyo khayraadka Somaliland ka jira iyo sidii loo maalgalin lahaa Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in shirkaasi lagu casuumayo ganacsataddda Somaliland, isla markaana ka soo qaybgali doonaan shirkaasi Ingiriisku u qabanayo Somaliland.

Maxamed Biixi waxa uu sheegay in Shirkaasi ay u arkaan mid muujinaya heerka Somaliland Caalamka ka joogto maadaama dunidu danaynayso Khayraadka Somaliland.

“Maanta waxaan doonayaa inaan idinku war galiyo Shirka weyn ee Ganacsiga oo Somaliland iyo Ingiriisku Bisha October 14-keeda ku qabanayaan London.waxay Ingiriisku Shirar hore ka qabteen waddamo badan oo ilaa dhawr iyo soddon waddan ah oo ay ku jirto Malawi, Gabon,Cameroon iyo wadamo fara badan oo Somalia iyo Jabuuti ku jiraan, imikana waxay noqotay doorkeenii” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Waxaanu intaas ku daray “Arinkani waa arin aad iyo aad u weyn, waxaanan u aragnaa in Maanta Somaliland gaadhay heer Caalamkii tixgalinayo in Khayraadkeeda Caalamka loo sheego”

Mar wax laga waydiyey shirkii wada hadalka u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya halkii uu ku dambeeyey iyo inuu hakad ku yimid iyo in kale, waxa uu kaga jawaabay “Waa Shir aanu doonayno inuu socdo, waayo? Sida kaliya ee aanu ku kala tagi karo Dawladda Xamar waa inagoo wada hadala iyo heshiis”

Dhinaca kale, wasiirku wax uu sheegay safar uu ku tagay Maraykanka inuu la kulmay safiiro badan oo dalal badan u fadhiya xarunta Qaramadda midoobay iyo ku xigeenka Qaramadda midoobay oo ay kala hadleen horumarka Somaliland ka jirta iyo sidii loo caawin lahaa, caalamkuna xidhiidh dhow ula yeelan lahaa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland