4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Mid ka mid ah Beelaha Gobollada dhexe oo dhaliishay habka Maamul dhisidda


Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Kulan ay magaalada Muqdisho maanta ku yeesheen waxgaradka, dhalinyarada, aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee beesha Waceysle Abgaal oo ka mid ah beelaha dega gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka maamul u sameynta gobollada Glaguduud iyo Mudug ay u wajahday dowladda Somalia.

Caaqil C/llaahi Cali Taakow oo ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in beeshu ay deegaanno balaaran ka degto gobollada la sheegay in maamulka loo sameynayo, isla markaana aan maamulkaas la dhisayo waxba laga weydiin, isagoo xusay in xitaa hal xubin aysan beeshu ku lahayn xubnaha toddobada ah ee saxiixay heshiiska.

“Waxaan caddeynayaa in shirkan uusan ahayn mid dowladda Somalia lagu mucaaradayo ama dad gooni ah lagu xumeynayo, balse uu yahay mid ay ku doonayno inaan ku muujinno mowqifkeenna ku aaddan maamulka labadaan gobol loo sameynayo. Dowladda waa taageersan-nahay inay horey u socoto ayaana doonaynaa,” ayuu yiri caaqilka.

Siyaasiga C/llaahi Geeddi Shadoor oo oo isna ka hadlay kulanka ayaa xusay in beesha Waceysle aysana aqbalayn in la duud-siiyo xuquuqdeeda, dhinaca kalena aysan rabin in la siiyo xuquuq ay dad kale leeyihiin.

“Dowladda Soomaaliya ee arrintan garwadeenka ka ah waxaan ka rabnaa cadaalad, waxaan ka sugaynaa inay ilaaliso habka saami qaybsiga beelaha, nala-tashato, arrimahaanna mid kalsooni looga qabo ay noqoto,” ayuu yiri C/llaahi Geeddi oo intaa ku daray in maamul sameynta ay habboon tahay in laga horumariyo dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, Suldaan Ciise Macalin Maxamuud oo ka mid ah odayaashii wax kasoo xulay xildhibaannada baarlamaanka ayaa gabagabadii kulanka ka sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dowladda Somalia, balse ay xaq u leeyihiin inay ka hadlaan wixii ay tabanayaan si ay qaab calool fayoobi leh wax ula qaybsadaan beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaa goobta laga akhriyay qoraal kasoo baxay kulanka oo ay beeshu ku caddeynayso mowqifkeeda ku aaddan waxay ka qabto maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud kaasoo u qornaa sidatan:-

1. Beesha Waceysle ee degta deegaannada ugu ballaaran gobollada dhexe xubin kama ahan guddiga saxiixayaasha, waxayna kasoo horjeedaa habka maamul u sameynta gobolladaas.

2. Beeshu waxay cambaareyneysaa go’aanka guddiga saxiixayaasha ee ka hor-imaanaya qaanuunka dalka.

3. Beeshu waxay soo jeedinaysaa inaan colaad iyo dhibaatooyin laga dhex abuurin dadka walaalaha ah ee kuwada nool gobollada dhexe ee dalka.

4. Haddaba odayaasha dhaqanka, culummaa’u’ddiinka, aqoonyanahannada, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee beesha waxay go’aan ku gaareen in ay la midoobaan gobollada dariska la ah ee soohdin la leh deegaannada kor ku xusan, isla markaana uu kala dhexeeyo xiriir bulsho mid dhaqaale iyo mid dhaqan oo soo jireen ah.

5. Sidaa awgeed waxaan ka codsanaynaa dowlada Somalia, xafiiska UNSOM iyo ciddii kale ee ay quseyso inaysan ku riixin wax aysan beeshu ogoleyn isla markaana ay xaq dhowraan rabitaanka shacabka iyo dastuurka dalka.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya