4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Xukuumadda Yemen iyo Mucaaradka Xuutiyiinta ah oo kala Saxiixday Heshiis


Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Yemen, C/lla Mansuur Haaddi ayaa heshiis awood-qaybsi ah la saxiixday Xuutiyiinta si loo dhammeeyo colaadda ka dalka Yemen ka socda, kaddib markii mucaaradku ay saacadihii lasoo dhaafay ay kooxahan la wareegeen goobo muhiim ah oo Magaalada Sanca ku yaalla.

Hadal uu kasii daayay telefishinka dalka Yemen ayuu Haaddi ku sheegay in si dhaqso ah uu ku fulin doono heshiiska, isagoo intaas ku daray in heshiiskan uu u yahay muhiimad weyn badbaadinta dalka.

Qodobbada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in la kala diro xukuumadda, isla markaana mid cusub lasoo dhiso. Iyadoo wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Yemen, Jamaal Bin Cumar uu isna sheegay in heshiiska ay qayb ka tahay in madaxweynuhu uu shiicada kasoo horjeedda qaarkood ka dhigto la taliyeyaal dhinaca siyaasadda ah.

Sidoo kale, wakiilka QM ayaa sheegay in heshiiskan uu wax weyn ka tarayo dhinaca dhaqaalaha, isagoo xusay in la dareemi doono dhawaan hoos u dhac dhinaca shidaalka ah oo dhawaan sare loo qaaday. Sidoo kalena ay ka qayb-geli doonaan doorashooyinka dhici doona dhammaan bulshooyinka ku nool Yemen.

Heshiiskan ayaa yimid wax yar kaddib markii uu xilka is-casilay ra’iisul wasaarihii hore ee Yemen, Maxamed Basindawa. In tallaabada is-casilaaddiisa ay la xiriirto sidii xiisadda loo qaboojin lahaa.

“Is-casilaaddeydu waxay la xiriirtaa sidii heshiis uu uga dhici lahaa dalka. Ujeeddadeyduna waxay ahayd sidii ay u heshiin lahaayeen walaalaha  Ansrullaah iyo madaxweynaha Yemen Cabdalla Mansuur Haaddi,” ayuu yiri Basindawa.

Kooxah mucaaradka ah ee Xuutiyiinta ayaa waxay shalay la wareegeen goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada xarunta ah ee Sanca, kuwaasoo ay ku jirto xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha Yemen ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikh ah, sida ay warinayso wakaaladda wararka ee Yemen SABA,  iyadoo uu ku soo beegmayo heshiiskan kaddib dagaallo dhowr maalmood ka socday Sanca iyo hareeraheeda.

Saraakiisha Yemen ayaa sheegay in dagaalladan ay ku dhinteen qiyaastii in ku dhow 100 qof, iyadoo dadkii ku noolaa magaalada Sanca ay billaabeen inay barakacaan. Waxaana qof ka mid ah shacabka magaalada uu sheegay inuu arkay dhimashada tobaneeyo qof shalay oo keliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya