4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya oo lagu wado in la dajiyo Jubbooyinka

Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Afhayeenka u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya oo lagu magacaabo Mwenda Njoka ayaa sheegay in ay u diyaarinayaan qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab-Kenya inay dib ugu celiyaan deegaannadii ay kasoo jeedeen sida gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Njoka ayaa intaas ku daray in dadkaas ay iyagu dalbadeen dowladda Kenya in dib loogu celiyo gobollada Jubbooyinka oo markii horeba ay ka yimaadeen, halkaasoo uu ka taliyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore heshiis ku gaaray in qaxootiga Soomaaliyeed lagu celiyo dalkooda, iyadoo wasiirka arrimha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku uu ku eedeeyay Qoxootiga inay ku dhex-dhuuntaan xubno ka tirsan Al-shabaab, kaddib markii amaanka Kenya uu halis galay.

Maamulka Jubba ayaa soo bandhigay dhul ballaaran oo loogu talogalay in la dajiyo qoxootiga kasoo laabanaya Kenya, halkaasoo ah goobta ay dowalada Kenya doonayso inay qoxootiga Soomaaliyeed dejiso loogana dhiso iskuullo iyo isbitaallo.

“Dhammaan qoxootiga Soomaaliyeed ma ahan Al-shabaab, balse waxaa jira in yar oo caqabad ku ah ammaanka Kenya,” ayuu yiri afhayeeenka u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya.

Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku nool nus malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo dalkaas magan-galyo ahaan u galayay tan iyo sannadkii 1991-kii markaasoo ay burburtay dowladdii Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya